MUQDISHO (HN) — Awanish Sharan waa sarkaal ciidan ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay sawirka Seema Kumari oo ah ardayad dhiganaysa fasalka shanaad ee dugsiga dhexe ee Fethpur iyada oo kaashanaya lug macmal ah oo ay ku socoto. Sharan oo qeexaya sawirka ayaa ku tilmaamay awoodda baraha bulshada.
10 jirta Seema oo dhawaan qabsatay baraha bulshada iyada oo u socoto iskuulkeeda oo masaafo hal km dhan u jira – adeegsanaysa hal lug oo kaliya ayaa ku baahay caalamka – waxaana loogu deeqay mid macmal ah oo ay kaashato.
Dad badan ayaa bogaadin iyo amaan huwiyay Seema oo lugteeda ku weydsay shil gaari oo ay gashay laba sannadood kahor. Laakiin taasi kama horjoogsan inay isaga harto wax-barashada – waxayna u socotaa iskuulkeeda si joogto ah maalin walba msaafo dhan hal km.
Waxay kasoo jeeda qoloda Dalit-ka la yiraahdo oo kamid ah bulshooyinka la-heyb sooco ee ku nool dalka Hindiya.
Dadka Dalit-ka ayaan helin fursad iyo sinnaan bulsho oo lamid ah muwaadiniinta kale ee Hindiya. Waxaana badigood oo ku nool miyiga ay ka dib-dhacsan yihiin qowmiyadaha kale ee Hindiya kula nool.
Si kastaba, arrinta Seema ayaa muujiyay weji kale oo halgan iyo nafhurnimo ah oo ay la gaar yihiin carruurta Dalit-ka taas oo keentay in kadib ku baahidda sheekadeeda baraha bulshada ay durba kaalmo ka hesho maamulka dowladda iyo kuwa samaha jecel.
Waxayse leedahay rejo iyo riyo qurux badan. Waxay doonaysa inay bare ama macalin noqoto marka ay dhammeysato wax-barashada oo ay aqoonteeda uga faa’iideysto ilmaha kale ee degaanka kula nool.
Way adag tahay runtii inaad hal km aad lug kaliya ugu socotid si aad u gaarto. Kaba sii darane, waxay kasii adag tahay marka safarkaasi uu maalinle yahay oo aanu nasiino badan lahayn.
Seema waxay sheegtay inay ahayd hadda kahor wax adag inay hal lug oo kaliya ku aaddo iskuulka kagana soo noqoto. Balse muddo dheer oo ay la-qabsatay xaaladdan, waxay tilmaamtay inaysan ku dareemin wax culeys ah oo ay ka caado-dhigatay.
Laakiin hadda dowladda ayaa balanqaadaysa in carruurta baahiyaha gaarka ah sida Seema aan loo deymo la’aan doonin oo lala kulmayo tabashadooda. Siinta lug macmal ah oo ay hadda kadib ku gaarto iskuulkeedana waa mid kamid ah tallaabooyinka looga jawaabay.
Shivkumar Bhagat, oo bare ka ah iskuulka Seema ay dhigato ayaa tiri – doonisteeda iyo sida ay uga go’an tahay inay wax-barato kama duwana kuwa laxaadka qaba.


You must log in to post a comment.