crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ka ganacsiga Sigaarka iyo saameynta Caafimaad-darro oo ay ku qabaan Dadka caba. | HimiloNetwork

Ka ganacsiga Sigaarka iyo saameynta Caafimaad-darro oo ay ku qabaan Dadka caba.

MUQDISHO (HN) — In kasta oo aanu dooneyn inuu ka hadlo ganacsigiisa, haddana xaqiiqdu waxay tahay ganacsadahani wuxuu sandaqadiisa oo u taalla kaabiga laamiga ku iibiyaa wax walba oo dhib iyo dheef u leh macmiishiisa.

Laga soo bilaabo nac iyo xanjada ilaa sigaarka iyo taabuuga ayuu ka iibiyaa yar iyo weyn. Waxaase ugu badan kuwa caba sigaarka oo halkan oo kale ka dhigta bar nasiino.

Mustaf Maxamed Muuse oo ah 50 jir cabidda sigaarka kusoo bilaabay da’da 20-jirka ayaa kamid ah.  

“Dad ii dhawaa unbaa si tartiib ah ii baray cabidda sigaarka,” ayuu yiri.

Ka ganacsiga sigaarku wuxuu adduun adag sannad kasta ka bixiyaa jeebabka kuwa caba. Waxaana ilo dhaqaale ka dhigta ganacsade uu kamid yahay da’yarkan oo markiisii hore iibin jiray qaraha iyo jaadka.

Cabdirizaaq Khaliif Jaamac oo ah 40 jir si cayaar-cayaar ah ku bilaabay cabidda sigaarka markii uu 15 jir ahaa ayaana kamid ah. Wuxuu sheegay in jaadku kaga dhib badnaa sigaarka xaggiisa marka ay timaado ka reebtooniddiisa.

“Kii jaad ahaa ayaa iigu darnaa; oo aan inta ku xanuunsaday – xubeerna ku noqday aan haddana ka reebtoomi waayay,” ayuu yiri. “Laakiin ugu dambeyntii Ilaahay ayaa iiga gargaaray.”

Marka loo eego Mustaf, way adag in qof isaga haro cabidda sigaarka haddii aanu joogin deegaan ku saacida inuu ka caaganaado. Wuxuuse qiray inuu dhibaato caafimaad kala soo deristay qabatinkiisa.

“Qof kuu dhow ayaa cabaya; ama meel lagu iibiyo ayaad arkaysa markaad ayuu sidii bunka kuu qabanaya,” ayuu yiri. “Marka ma sahlana in laga haro.”

Wuxuu intaas kusii daray: “Cudurka neefta ayaa igu dhacday oo dhowr mar aan iska dabiibay.”

Laakiin qof walba lama aamisana aragtidaas. Cabdirizaak oo hadda tiradii badneyd ee cabbidda sigaarka kusoo koobay 6, wuxuu qabaa in la iska dhaafi karo.

“Ramadaankii oo dhan hadda maba cabin,” ayuu yiri. “Haddii aan ugu talagalo waan iskaga hari karaa gebi ahaanba.”

Mustaf oo kamid ah qurba-joogta, wuxuu sheegay inuu hadiyo jeer u baqo mustaqbalka carruurtiisa. Wuxuuna soo jeedinayaa talooyin lagu xakameyn karo cabidda sigaarka.

“Wallaahi marka ay i arkaan anigoo cabaya, waxaan is dhahaa armay kaaga daydaan?,” ayuu yiri. “Waana kala taliyaa hadiyo jeer inaysan dhayalsan.”

“Meelaha qaar sharciyo adag ayaa ka jira oo lagu xakameeyo sida in carruurta aan loo dirin ama aan laga soo iibin.”

Sigaarku Soomaaliya weligiis kama noqon sharci-darro. Wuxuuna hadiyo jeer kamid ah badeecadaha halista ah ee soo aasay nolosha jiilal badan. Maanta oo dunida laga xusayo maalinta caalamiga ah ee duni aan tubaako laga cunin, waa muhiim in aafada sigaarka loo arko mid qaran, qof iyo qoysba halakeynaysa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!