Beijing (Himilonetwork) – Maamulka Guud ee Hey’adda Keymaha Qaranka Shiinaha ayaa sheegay inay u shaqaaleysiinayaan ilaaliyayaasha keymaha ku dhawaad nus malyuun danyar ah – kaas oo qeyb ka ah mashruuca ka-bogsashada faqriga. Zhang Jianlong, oo agaasime ka ah maamulka ayaa ka sheegay kulan uu guddigu iskugu yimid dowlad-goboleedka Libo in mas’uuliyiinta Keymaha Qaranka ay shaqaaleysiinayaan ku dhawaad 500,000 oo qof kuwaas ...
Read More »Monthly Archives: November 2018
Sheekada Geed Seytuunka ugu Cimriga dheer Dhulka Falastiin.
RAMALLAH, West Bank (Himilonetwork) – Sheekada ku saabsan geed Seytuunka ugu cimriga dheer dhulka Falastiin oo la yiraahdo al-Badawi ayaa dad badan is-weydiinayaan goortuu curtay iyo inta uu sii jiri karo gu’ ahaan. Geedku wuxuu ku yaallaa xaafadda al-Walaja, oo shan kilomitir u jirta galbeedka Bethlehem, wuxuuna ku fadhiyaa bad dhan 250 mitir oo wareeg balac ah; wuxuuna dherer la’eg yahay 12 mitir oo ...
Read More »Da’yar Muslim ah oo u dhintay Badbaadinta Dib-jir cabsanaa oo Jidka Tareenka ku socday.
FRANKFURT – (Himilonetwork) – Boqollaal qofood ayaa iskugu soo baxay magaalada Hanau si ay iilka ugu sagootiyaan 17 sanno jir dhintay isaga oo badbaadinaya nin darbi-jiif ah oo ku socday dhabbaha tareenka. “Ma ihi caan iyo maal-qabeen toona, laakiin intaan oo dhan waxay iskugu soo baxeen geesinimada inankayga,” ayuu yiri Ejder Sözen, oo ah aabaha dhalay marxuumka. Mustafa Sözen, kaas oo baranayay ...
Read More »Lagos oo laga oggolaaday in gabdhaha Muslimiinta ah ay Iskuullada u xiran karaan Xijaabka.
LAGOS (Himilonetwork) – Dowlad-goboleedka Koofur-bari Lagos ayaa oggolaaday in xirashada xijaabka ee gabdhaha Muslimiinta uu kamid noqdo uniform-ka iskuullada, kaddib dood dheer oo qaadatay muddo bil ah. Maamulka ayaa ugu yeeray iskuullada inay gabdhaha Muslimiinta ah u oggolaadaan xirashada xijaabka – marba haddii uu la siman yahay uniform-ka caadiga ah, sida ay soo xigatay Anadolu Agency. “Qofna looma takoori karo ...
Read More »Shiinees qaadatay Islaamka si uu u guursado Muslimad Nigerian ah.
LAGOS (Himilonetwork) – Sawirro muujinaya nin Shiinees ah oo u dabaal-degaya guurkiisa gabar Nigerian ah ayaa kasoo if baxay baraha bulshada – taas oo ku timid sheeko jaceyl oo masaafo dheer la isku soo jaray. Marka loo eego Naija.com, ninka oo aan magaciisa la sheegin, wuxuu fogaan aan u dheer uga soo tagay si uu u guursado gabadha uu jeclaaday. ...
Read More »Daawo: Masha Allah – Xaafad Mar qura Diinta Islaamka Qaadatay!
Muqdisho (Himilonetwork) – Halkan ka daawo xaafad dhan oo mar qura diinta Islaamka qaadatay gudaha dalka Filibiin. Waxaana shahaadada loogu qabtay isla goobta.
Read More »Xaafad dhan oo mar qura wada qaadatay Diinta Islaamka.
CEBU, Philippines (Himilonetwork) – Koox ka socta Akadeemiyadda Seyniska iyo Cilmi-baarista UK oo loo soo gaabiyo (IERA) ayaa indhahooda ku arkay arrin ashqaraar toddobaadkii hore kaddib xaafad dhan oo ku taalla dalka Filibiin ay qaateen Diinta Islaamka. Qeyb kamid ah Ol’olahooda Dacwada, IERA waxay casuumaad ka heshay dhawaan-Muslime ku nool tuulada kaas oo sidoo kale dadka xaafadda iskugu yeeray inay usoo baxaan ...
Read More »Haweeney Maal-qabeen ah oo la ogaaday sabab la-yaab leh oo ay ku dawarsato!
MUQDISHO (Himilonetwork) – Haweeney 79-jir ah oo waqtigeeda ugu badan ku qaadata inay ka dawarsato busteejada magaalada Hangzhou, ee dalka Shiinaha ayaa dhawaan la ogaaday inay ahayd maal-qabeen howl-gab ah taas oo kasoo kacda dabaq shan biyaano ah lehna dhowr baqaar oo qaarkood kiro loogu jiro. Warka haweeneydan ayaa qabsaday guud ahaanba dalka Shiinaha kaddib markii taliska sal-dhiga booliska busteejada ka ...
Read More »Magaalada – beddelkii lacagta – Gaadiidkeeda lagu raaco Qashinka Balaastikada!
Muqdisho (Himilonetwork) – Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Induniisiya ee Surabaya ayaa la timid hab cajiib ah oo dadka degaanka lagu dhiirri-gelinayo inay dib u adeegsadaan qashinka aan dhamaatiga gelin ama walxaha la cusbooneysiin karo: waxaana taasi loo marayaa in si lacag la’aan ay ku raacaan gaadiidka dadweynaha. Balse halkii ay awal ka bixin jireen lacag caddaan ah, waxay ...
Read More »Ghana – Gudaha Masjidka dhisan 700 oo sannadood!
ACCRA (Himilonetwork) – Masjidka Larabanga oo ku yaalla waqooyiga dalka Ghana, waxaa dhisay injineerro Suudaanees ah, waana Masjidka ugu da’da weyn gudaha Ghana iyo dhammaan Galbeedka Afrika. Waxaana lagu naaneysaa Masjidkii Makka ee Galbeedka Afrika ‘Makkah of West Africa.’ Wuxuu qaab ahaan u dhisan yahay qaababka dhismayaashii hore. Qaabka loo dhisay iyo qalab dhaqameedka loo adeegsaday dhismihiisa awgeed, gudaha Masjidkani waa ...
Read More »