crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lagos oo laga oggolaaday in gabdhaha Muslimiinta ah ay Iskuullada u xiran karaan Xijaabka. | HimiloNetwork

Lagos oo laga oggolaaday in gabdhaha Muslimiinta ah ay Iskuullada u xiran karaan Xijaabka.

LAGOS (Himilonetwork) – Dowlad-goboleedka Koofur-bari Lagos ayaa oggolaaday in xirashada xijaabka ee gabdhaha Muslimiinta uu kamid noqdo uniform-ka iskuullada, kaddib dood dheer oo qaadatay muddo bil ah.
Maamulka ayaa ugu yeeray iskuullada inay gabdhaha Muslimiinta ah u oggolaadaan xirashada xijaabka – marba haddii uu la siman yahay uniform-ka caadiga ah, sida ay soo xigatay Anadolu Agency.
“Qofna looma takoori karo xirashada xijaabka,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka.
Bulshada Ardayda Muslimiinta Nigeria oo la yiraahdo (MSSN) ayaa bogaadiyay tallaabadan, sida uu sheegay horfiiqahooda, Saheed Ashafa.
“Waan soo dhaweynaynaa tallaabada maadaama ay abuurayso jawi ku dhisan takoor la’aan iyo sinnaan loo siman yahay goobaha wax-barashada – u eegis la’aan xirashada xijaabka iyo in kale,” ayuu yiri.
Sannadkii 2014-ka, Maxkamadda Sare ee Lagos ayaa soo saartay Sharci tilmaamaya in gabdhaha Muslimiinta ah aysan xijaabka ku xiran karin iskuullada, balse Maxkamadda Racfaanka ayaa sannadkii 2016-ka ku gacan-seyrtay – iyada oo ku tilmaantay mid ka-dhan-ah xuquuqda gabadha Muslimadda ah.
Sannadkii hore, gabadh Muslimad ah oo ka qalin-jebisay sharciga ayaa laga diiday inay cagta soo dhigto Jaamacadda iyada oo xiran xijaabka.
Isniintii hore, iskuul xiriir la leh Jaamacadda Ibadan ayaa albaabada la iskugu dhiftay kaddib markii la arkay gabdho ku labisan xijaabka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!