crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiinees qaadatay Islaamka si uu u guursado Muslimad Nigerian ah. | HimiloNetwork

Shiinees qaadatay Islaamka si uu u guursado Muslimad Nigerian ah.

LAGOS (Himilonetwork) – Sawirro muujinaya nin Shiinees ah oo u dabaal-degaya guurkiisa gabar Nigerian ah ayaa kasoo if baxay baraha bulshada – taas oo ku timid sheeko jaceyl oo masaafo dheer la isku soo jaray.
Marka loo eego Naija.com, ninka oo aan magaciisa la sheegin, wuxuu fogaan aan u dheer uga soo tagay si uu u guursado gabadha uu jeclaaday.
Maadaama uusan aheyn Muslim, waxaa loo qabtay Shahaadada kahor inta aysan dadab-gelin. Ninkan Shiineeska ah ayaa la arkayay isaga oo ku labisan dharka Muslimiintu xirtaan badi sida koofiyad, khamiis iwm.
Sawirrada kale ayaa iyagana muujinaya isaga oo la taagan gacalisadiisa, ehellada gabadha iyo waalidkeeda.
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!