Da’yar Muslim ah oo u dhintay Badbaadinta Dib-jir cabsanaa oo Jidka Tareenka ku socday.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
November 19, 2018
354 Views
FRANKFURT – (Himilonetwork) – Boqollaal qofood ayaa iskugu soo baxay magaalada Hanau si ay iilka ugu sagootiyaan 17 sanno jir dhintay isaga oo badbaadinaya nin darbi-jiif ah oo ku socday dhabbaha tareenka.
“Ma ihi caan iyo maal-qabeen toona, laakiin intaan oo dhan waxay iskugu soo baxeen geesinimada inankayga,” ayuu yiri Ejder Sözen, oo ah aabaha dhalay marxuumka.
Mustafa Sözen, kaas oo baranayay Sheybaarka, wuxuu ku sugnaa boosteejada tareenka markii uu arkay dib-jir qamri-yacab ah oo ku socda dhabbaha tareenka.
Sözen iyo ruux kale oo aan la heyb-sheegin balse kasoo jeeda Hindiya ayaa ku cararay jihada ninka si ay uga soo qabtaan dhabbaha tareenka uu ninkani ku socdo.
Waxayna ku guuleysteen inay ka badbaadiyaan tareenkii kusoo socday. Samata-bixiyihii kale ee Sozen la jiray wuu ka badbaaday, balse Sozen ayaa ku dhintay goobta.
Thomas Morlock, oo ah madaxa golaha degaanka magaalada ayaa ku sheegay marxuumka ‘geesiga Hanau’ iyo muwaadin tusaale nool ifka uga tagay laguna xusuusan doono naf-hurnimadiisa.
Related
2018-11-19
You must log in to post a comment.