Muqdisho (Himilonews) – Aragtida ganacsiga Suuqyada waaweyn ee maanta ugu caansan magaalada Muqdisho sida Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad—markaad muggooda iyo muuqaalkooda ku dheygagto—ha qaayibin inay jiilka maanta ah ku da’aad yihiin. Micno malahan intay ballaar iyo baaxad isku darsadeen—ama ay tiigsimaad u noqdeen bulshada Soomaaliyeed. Hayeeshe, marka laga hadlayo suuqyada beri-samaadkii iyo barqa-maalka maanta, la yaab haka dhigan in suuqa Siinaay ...
Read More »Monthly Archives: November 2015
Shan walxood oo Swizerland ku caan tahay
Muqdisho – Qulqulka webiyada, harooyinka iyo abid-cagaaranta dabiiciga ah–halkani waa Swizarland: dalka ugu quruxda badan Yurub. Waa dal ay ku midoobeen umad kala afaf iyo Iimaan ah. Waana dalka kaliya ee looga hadlo afar afood oo rasmi ah kuwaas oo kala ah German, French, Italian and Rumantsch. Kani waa wadanka qof uu xilli kasta u dalxiisi tegi karo kuna soo damaashaadi ...
Read More »Faa’iidooyinka ku jira Mooska
Muqdisho (Himilonews) – Halkan waxaynu idin kugu soo ban-dhigaynaa tira dhowr faa’iido ah kuwaas oo ku jira Mooska caafimaad ahaan. Tanina waxaan kusoo ban-dhigaynaa cilmi-baaris lagu sameeyey. Mooska oo ah mid kamid ah qudaarta sida maalin-laha ah loo cuno, ayaa waxaa hubaal ah in guri iyo qoys kasta laga helo qof aad u jecel mooska. Marka Soomaaliya la joogo, mooska ...
Read More »Daawo sawirro naxariis kugu abuuraya!!
Muqdisho – Naxariistu waa qeyb kamid ah insaanimada. Haddii naxariis la waayo, majirteen rajo ay dadku naawilaan. Naxariistu waa bogsimaadka marxalad kasta oo adag oo nolosha kugu soo waajahda. Hadaba, Himilonews.com, waxay halkan idin kugu soo gudbinaysaa sawirro kicinaya dareenka iyo damiirka qofka Insaanka ah siiba Muslimka oo ah danjiraha Alle u igmaday noolaha dunida. Fahamka ujeedo ee sawirada ...
Read More »Safaaradda Hindiya oo xafiiskeeda furaneysa
Muqdisho – Madax-weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga rasmiga ah ee danjiranimada kaga guddoomay xarunta Madaxtooyada dalka danjiraha cusub ee Hindiya u fadhin doonta Soomaaliya Ms Suchitra Durai. Ms Suchitra Durai ayaa kadib guddoomista waxay sheegtay in Hindiya ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada waxbarashada iyo tamarta. Madax-weynaha ayaa sidoo kale balan-qaaday inay is-kaashi buuxa la wadaagi doonaan dalka ...
Read More »Qaxootiga Yemen oo kusoo qulqulaya Jabuuti
Djibouti – Iyada oo wali dagaallo ay ka socdaan gudaha dalka Yemen, in-ku-dhow 120,000 oo qaxooti ah ayaa kasoo cararay dalkaas. Tira ku dhow 30,000 oo kamid ah kuwa qaxa kaga soo tallaabay Gacanka Cadmeed ayaa ku nool gudaha Xerada Qaxootiga ee Markazi oo ku taalla dalka Jabuuti. Taniyo dhamaadkii September, tirada ku nool xerada qaxootiga ee Markazi ayaa rubuc ...
Read More »Golaha Shacbiga oo dalbaday in dalka laga saaro KDF
Muqdisho – Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ka doodaya suura-galnimada ah in ciidamada shisheeye ee Kenya–kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka loogu yeero Nabad Ilaalinta Soomaaliya–laga saaro gebi ahaanba dalka. Maxamed Cumar Dalxa, oo ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacbiga Qaranka ayaa sheegay inay Kenya waji cusub oo ugub ku ah sooyaalka Soomaalida ku fara-galisay madax-banaanida daleed ee Soomaaliya. “Falka ...
Read More »Fariimaha jaceylka
Muqdisho – Wax waliba adiga ayaa iiga sharaf badan . wey iidhiman tahay adiga oo kale. Meel waliba waad kaqurux badan tahay. Qof walba wuxuu jecel yahay in uu helo wax u qalmo. Waxaan doonayaa nolosha in aan kula qeybsado. Taas ayaa go’aankeyga ah. Aniga tallaabadeyda hadaan celiyo. Nafteyda kama celin karo inay ku jeclaado. Waan ku jeclahay. Dadnimadaada ayaa ...
Read More »Dhaqtar kufsaday gabar 15-jir bukaan ah!
Nairobi – Bileyska Siaya County ayaa raadinaya dhaqtar lagu soo eedeeyey inuu kufsaday gabar 15-jir bukaan ah xilli uu baaritaan ku sameynayay xaaladeeda caafimaad. Dhaqtarka ayaa la sheegayaa inuu qolka marinta tijaabada caafimaadka uu kusoo xirtay gabadha. Hooyada dhashay gabadha ayaa tilmaantay inay gabadheeda marisay indha-ku-hubin. “Dhaqtarka ayaa marki horaba ku adkeystay in gabadha oo kaliya ay usoo gasho qolkiisa ...
Read More »Khilaafada Islaamka oo sheegatay weerarkii Paris
Muqdisho – Khilaafada Islaamka ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda weerarkii Paris kaas oo ka tagay dhimashada in-ka-badan 120 qof sida lagu sheegay warbixin toos loogu daabacay war-fidiyeennada. Waxaa lagu yiri: “Sideed kamid ah walaallada Mujaahidiinta ayaa weerar naf-hurnimo ku qaaday wadanka saliibiga ah ee Faransiiska.” Warbixinta oo lagu qoray afafka Carabiga iyo Faranjiga ayaa loogu goodiyay weeraro hor leh oo ...
Read More »
HimiloNetwork Han & Horseed