crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Suuqa Saddex-xagalka iyo Sallada Qudaarta | HimiloNetwork

Suuqa Saddex-xagalka iyo Sallada Qudaarta

Muqdisho (Himilonews) – Aragtida ganacsiga Suuqyada waaweyn ee maanta ugu caansan magaalada Muqdisho sida Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad—markaad muggooda iyo muuqaalkooda ku dheygagto—ha qaayibin inay jiilka maanta ah ku da’aad yihiin. Micno malahan intay ballaar iyo baaxad isku darsadeen—ama ay tiigsimaad u noqdeen bulshada Soomaaliyeed.
Hayeeshe, marka laga hadlayo suuqyada beri-samaadkii iyo barqa-maalka maanta, la yaab haka dhigan in suuqa Siinaay uu kamid yahay suuqyada ugu faca weyn caasimadda Muqdisho.
Jidka dheer ee Janaraal Daa’uud iyo xadka saddex-xagalka kala soora saddexda degmo ee Yaaqshiid, Boondheere iyo Wardhiigleey—halkani waa  suuqa caanka ah ee Siinaay. Kobtani waa bu’da iyo baaxad-sooraha ay ku kulmaan macaamiisha iyo danleyda deegmooyinka dhaca bariga iyo bartamaha Muqdisho.
“Siinaay miyaan kuu geeyaa, abaay?! Siisow miyaan ku saaraa?!” Mid kamid ah heesaha Banaadiriga ah ee lagu hal-qabsaday suuqa Siinaay.
Taniyo bilowgii suuq-noqoshada, Siinaay waxay ku socotay ban ay ku kulmaan ganacsato badan oo reer Muqdisho. Maanta Siinaay waxay kusoo if-baxday koboc dhaqaale iyo koror dhuleed. Jihada kasoo bilaabata Masjidka Haat-ful ee Wardhiigleey iyo Jiiro-Garoob oo Yaaqshiid ka tirsan ilaa laga yimaado is-goyskeeda ayay ku faalashay. Hadana baahida ganacsi ee suuqa Siinaay wali waa bar-kuma-taal. Waxaa ka socda dhismayaal ganacsi oo door ah kuwaas oo lagu ballaarinayo suuqa.
Marka aad soo booqato suuqa Siinaay, haka baqin in adeeggu uu kaa qabyoodo. Siinaay waa jiko iyo baqaar wada socda oo ay kugu sugayaan shaqaale kala ceyn ah. Min dhuxusha lagu shito dabka ilaa cusbada lagu maceeyo cunnada dhibyari ayaad ku heleysaa!
Kolka aad ka timaado dacallada kala duwan ee laga soo galo suuqa, Qudaarta—nuucyadeeda kala duwan sida Liinta, Qaraha, Mooska, Babaayga, Liimo Bombeelmada, Canbaha, Seytuunka, Isbaandheyska iyo Goosaarrada kala ceynka ah ayaa halkan kuu bilqan. Kusoo dhawow hana ka baqin inay mar kaliya gebigood wada go’aan. Mar kasta ayaan kuugu celcelinayaa oraahdaas haddii aad ku cusub tahay suuqeenna Siinaay. Taasna waa kalsoonida qura ee macaamiisha suuqa Siinaay ay ku naaloodaan.
Inta aad ku dhex-socoto suuqa gudihiisa, hareeraha waxaa kuu taagan shaqaale biyo qabow kugu haba—saad u haraad go’do! Hadaad kusoo daasho ku dhex-socoshada suuqa, fadlan fadhiiso! Waan hubaa inaadan tageyn adiga oo aan qanacsaneyn!
Iskadaa in adiga oo yimid halkan aad adeeg kaa naaqusmay aad ka doonato suuq kalee: halkaas eeg! Waxaa kaaga muuqda baqaarro lagu iibiyo qudaarta kala duwan iyo dhuxusha—oo laakiin ah ganacsi dhantaal ku wada isku dheeli-tirnaanta deegaanka, duunyada iyo dalka—kuwaas oo gaari-gacannada hor-taagan looga daabulayo suuq-xaafadeedyada kale ee hoos yimaada suuqa Siinaay.
“Kuwani ma hadda unbay soo go’een?!”  ayaan aniga oo kaamirada la raacaya iraahdaa. “Haa! Hadda ayay noo soo go’een ee sawiro!”  ayuu iigu jawaabayaa isaga oo sacabada ku sida tiro canbe ah mahadna Eebe u celinaya. “Ma og tihiin inaan nimcadan oo kale wadan laga wada helo uusan jirin oo wadankeenna aheyn?!” ayuu ula sii jeedsaday jaarkiisa suuqa.
Balse qudaarta iyo dhirta aalaaba ma ahan waxa kaliya ee Siinaay ku caan tahay. Qeybaha kale ee cuntada fudud iyo bagaashka waa adeegyada kuugu diyaarsan suuqa. Dalagyada dalka kasoo go’a sida digirta ayaa iyadna halkaas kuugu tilmaamaya in saddexda waqti ee wax la cuno adeegga Siinaay uusan hakadkaa galeyn.
Siinaay ganacsatadeedu waxay kaliya xoogga si fiican u saareen dhuuniga. Marka laga reebo dharka Huudheyda iyo dukaamo fara-ku-tiris ah oo iibiya maryaha, macaamiisha Siinaay waqti kuma soo bixiyaan inay dhar kasoo iibsadaan, siiba xilliyada Ciidaha. In-kasta oo ol’olaha dib-u-habeynta iyo ballaarinta lagu wado suuqa ay suura-gal ka dhigi karto in Siinaay ay la bara-tanto suuqyada waaweyn sida Hamar-weyne, Bakaaro iyo Suuq-Bacaad, hadana wax ku dhow 20—sano, Siinaay waxay isla-muuqaalkii shalay kusoo eegtaa qofkii maanta booqda.
Hayeeshe, xilligan oo kale qudaarta soo go’da waa dhowr. Canbaha iyo Dhangalowga kaalay intaad doonto ka himlo. Maskaxdana ku haay in—markuu mid kaa go’aba mid kalaad ku sugtaa!!
Hadaba, Himilonews.com, waxay kugu soo dhaweyneysaa daawashada sawiradii ugu danbeeyey ee laga soo qaaday qeybta qudaarta ee suuqa Siinaay. Dad badan oo carabka dibnaha ku leefaya—markay arkaan qudaarta qaar sida Canbaha, Isbaandheyska iyo Dhangalowga—waxaa un kaliya ka xigta inay halhaleel usoo gaaraan suuqa Siinaay si nimcada Ilaahay noogu deeqay aanay uga qadin.
SAM_0031 SAM_0032 SAM_0033 SAM_0034 SAM_0035 SAM_0036 SAM_0028 SAM_0026 SAM_0025 SAM_0023 SAM_0022 SAM_0023
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!