crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Faa’iidooyinka ku jira Mooska | HimiloNetwork

Faa’iidooyinka ku jira Mooska

Muqdisho (Himilonews) – Halkan waxaynu idin kugu soo ban-dhigaynaa tira dhowr faa’iido ah kuwaas oo ku jira Mooska caafimaad ahaan. Tanina waxaan kusoo ban-dhigaynaa cilmi-baaris lagu sameeyey. Mooska oo ah mid kamid ah qudaarta sida maalin-laha ah loo cuno, ayaa waxaa hubaal ah in guri iyo qoys kasta laga helo qof aad u jecel mooska. Marka Soomaaliya la joogo, mooska aad gacanta ku qabataa yaanu kuula mid noqon mooska laga beerto dunida kale. Waxaad ogaataa inaad heshay mooska ugu fiican ee dhulka lagu beero. Tanina waa nasiib iyo ayaan u gaar ah Soomaalideenna.
Hadaba, faa’iidooyinka laga helo cunista mooska waxaa kamid ah:
Mooska waxaa ku jira kiimiko dabiici ah kaas oo qofka ka dhiga farxaan. Hadda soo qaado rucub moos ah oo cun: deedna dareenkaada iisheeg?!
Waxaa ku jira daaqad wada firfircooni galisa jirkaada. Laba xabo oo aad cunto, waxay ku siin kartaa awood 90-daqiiqo ku joogteysa. Waana taas sababta Gorillaha iyo bah daanyeer ay u xoog badan yihiin.
Cunista subax kasta hal moos iyo wax ka badan waxay kugu caawisaa in–ilkahaagu ay nadiif iyo caddaan kuu noqdaan.
Wuxuu daweeyaa kana hor-tagaa daalka.
Wuxuu xoojiyaa DNA-ga.
Cunista mooska waa dawo dabiici ah oo yareysa buuqa iyo walaaca. Waana taas sababta dad badan ay mooska uga dhigtaan xulka ugu jira qudaarta.
Moosku malahan dufan, Sodium iyo fat toona.
Mooska wuxuu kaalin ka qaataa yareynta wadne-garaaca, naafada iyo isaga oo yareeya caqabadda kansarka sida laga soo xigtay FDA.
Mooska 75% waa biyo. Kaas oo si dadban faa’iido ugu ah kilyaha.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!