Safaaradda Hindiya oo xafiiskeeda furaneysa

Muqdisho – Madax-weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga rasmiga ah ee danjiranimada kaga guddoomay xarunta Madaxtooyada dalka danjiraha cusub ee Hindiya u fadhin doonta Soomaaliya Ms Suchitra Durai. 

Ms Suchitra Durai ayaa kadib guddoomista waxay sheegtay in Hindiya ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada waxbarashada iyo tamarta. 

Madax-weynaha ayaa sidoo kale balan-qaaday inay is-kaashi buuxa la wadaagi doonaan dalka Hinduuga u badan ee Hindiya kaas oo sidoo kale ay ku nool yihiin Muslimiinta saddexaad ee ugu badan dunida. 

Dhawaan ayaa waxaa soo badanayay dalalka Soomaaliya dib uga furanaya safaaradihii ay ku lahaayeen kuwaas oo la xirmay dhicistii maamul ee xukuumadda Kacaanka sanadkii 1991. 

Isha: Himilonews.com 

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!