crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wadanka Botoswana oo ay kordheen tirada Dalxiisayaasha | HimiloNetwork

Wadanka Botoswana oo ay kordheen tirada Dalxiisayaasha

Gaborne (Himilonews) – Soo noqoshada wadanka Botoswana maalgalintiisa iyo dalxiisayaasha ayaa kordhay afar sano kadib iyaga oo gaaray sanadkan 2 million oo ruux.
Hadalkan ayaa laga soo xigtay wasiirka duurjoogta iyo deegaanka oo lahadlayey idaacadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Dalxiisayaashan ayaa ka kala imaanaya wadamada Laatiin Ameerika iyo Midwoga Yurub, 60% waxay ka imaadaan Mareykanka halka 30%  ay ka imaadaan dunida Galbeedka.
Waxa uu yiri wasiirka: “Dalxiisku wuxuu qeyb weyn ka qaataa ganacsiga wadanka  sidoo kalana wadarta wax soo saarka dalka (GDP).”
Dalxiisayaasha ayaa inta badan taga magaalooyinka  Kasane iyo Kazungula oo ah meelaha ugu badan oo ay joogaan duurjoogtu.
Wadanka Botoswana ayaa ku yaalla koofurta Afrika, caasimadiisuna waxaa la yiraahdaa Gaborne.
Qiyaas la sameeyay sanadkii 2013 ayaa lagu sheegay in dadka reer Butuswana ay gaarayaan 2.021 million.
Xayawaannada wadankan ku nool ayaa waxaa ugu badan Geriga, Haramacadka, Waraabaha iyo Eeyaha.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Qore: Cali Cabdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeed; calikaafi9@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!