crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bana Alabed oo farriin usoo dirtay Dunida | HimiloNetwork

Bana Alabed oo farriin usoo dirtay Dunida

Ankara (Himilonews) – Bana Alabed oo gabar toddobo sano jir ah kana timid magaalada Xalab ee dalka dagaalladu la dageen ee Suuriya – taas oo caan ku noqotay soo tebinteedii cabsida laheyd ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay weerarka gaaska loo adeegsaday dhawaan ka dhacay magaalada. 
Bana oo December sanadkii hore ee 2016 waalidkeeda kala soo baxsatay magaalada Xalab ayaa hadda ku nool dalka Turkiga. Barteeda Twitter-ka ayaa yeelatay raadato badan kuwaas oo ku xirnaaday qoraalladeeda.
Shalay waxaa dunida ka yaabiyay warar tilmaamay in adeegsiga hub kiimikaati uu galabsaday nolosha dad badan oo Suuriyaan ah oo ay ku jiraan carruur. Geyfanayaasha Siiriya tilmaamay in adeegsiga gaaska uu dilay in ku dhow 70 qof oo 10 kamid ah ay yihin carruur.
Bana ayaa barteeda kusoo qortay: “Dunidaydiyeey, waxaa ahay 7 sano jir Siiriyan ah. Dadkaygu way dhimanayaan maalin kasta sida aad arkaysaanba. Tanina waa gabagabada bani’aadnimada.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!