MUQDISHO (HN) — Nin Koofur Afrikan ah ayaa muuqaal saameyn ka dhaliyay baraha bulshada ka dhex abuuray goob tacsi ka jirtay kaddib markii uu xiriir guur ugu soo bandhigtay aabaha dhintay gabadhiisa.
Markii ay timaado isku soo bandhigashada xiriirka guurka, goob iyo goor ku habboon waxaa waxa laga fikiro. Mana ku jirto intaas meel tacsi taalo. Laakiin taasi kama horjoogsan da’yar Koofur Afrikan ah inuu jaceylkiisa ku dhex weydiisto inay is guursadaan – iyada oo weliba dhinac taagan meydka aabaheed.
Qof joogay goobta ayaa muuqaal uu ka duubay soo dhigay barta tiktok halkaas oo ay aad ugu baahday. Siyaalo kala duwan ayaa looga falceliyay tallaabta ninkan.
Muuqaalka ayaa la arkayaa ninkan oo wata codbaahiye kadibna gaabinaya jilibka si uu jaceylkiisa ugu geliyo fargashiga. Dadka qaar oo ka falceliyay ayaa bogaadiyay iyaga oo tilmaamay in murugadii jirtay uu gabadha ku ilowsiiyay farxadda nolosha. Halkaas in kale ay ku tilmaameen mid aan waqtigii ku habboonaa aan lagu soo aadinin.

You must log in to post a comment.