crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Geedaha afarta geesoodka ah ee ku yaalla Dooxada Panama + Sawiro. | HimiloNetwork

Geedaha afarta geesoodka ah ee ku yaalla Dooxada Panama + Sawiro.

MUQDISHO (HN) — Kanaal Zone ee Panama waxaa in door ah marka laga soo tago ku taal dooxada geedaha afar-geesoodka ah ama Valley of Square Trees, waana bar dalxiiseed ay dalxiisayaashu soo tiigsadaan.

Waxaa la rumeysan yahay inay ka dhasheen qarxisadii ama folkaanadii El Valle de Anton. Cilmi-baarayaasha iyo dalxiisayaasha waxay u ahayd goob ay soo abaaraan gu’yaal badan. Ruugcadaa ka socda Jaamacadda University of Florida ayaa ka qaaday dheecaan iyo miro si ay u tijaabiyaan suuragalnimada haddii uu ku bixi karo cimilo iyo degaan kale. Laakiin si kastaba, geedahani halkan waxay ka abuureen muuqaal kale oo geedaha ifka aan lagu arag.

Sida geedaha kale ayay u baxaan qumaati laakiin kaliya isma dhuubaan. Waxay isku simaan dhinacyada. Waxaana cabbirka gees walba uu la eg yahay geeska kale. Dad badan ayaa u dalxiis taga goobtan iyaga oo naftooda usoo arka jiritaanka geedahan.

Lama oga marka horaba inay isu-diyaariyeen inay usoo baxaan qaab afargees ah. Balse waa marka ay si fiican jiridda ugu mutaan dhulka oo ay bilaabaan inay koraan goorta la fahmo inay isaga ekaanayaan afarta dhinac.

Si kastaba, lacag adag ayaa uga soo xeroota dalka Panama geedahan loo soo dalxiiska tago.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!