crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Daacad kama ahan inuu i guursado,” — Haweeney Dacwad yaab leh ku oogtay… | HimiloNetwork

“Daacad kama ahan inuu i guursado,” — Haweeney Dacwad yaab leh ku oogtay…

MUQDISHO (HN) — 26 jir u dhalatay dalka Zambia ayaa dhawaan noqotay hadal-heyn qaran kaddib markii ay dacwad ka gudbisay jaceylkeeda iyada oo ku eedeynaysa inuu waqtigeeda ka lumiyay madaama uu muddo badan ka maadanayay inuu soo afjaro xiriirkooda 8 jirsaday.

Ku daalista sugitaankiisa, Gertrude Ngoma ayaa maxkamadda uga dacwootay jaceylkiisa si ay ugu cadaadiyaan inuu si dhaqso ah u guursado. Haweeneydan oo kasoo jeeda Ndola, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Zambia ayaa ku eedeysay Herbert Salaliki, oo 28 jir ah inaanu ka run sheegin balan-qaadkii ay wada galeen oo ahaa inay is guursadaan xilli uu weliba bixiyay laagtii Yaradka oo afkooda lagu yiraahdo lobola.

In kasta oo lammaanahani ay isku dhaleen hal cunug, haddana marnaba uma wada noolaan wadajir. Hadda waxay dalbaneysaa in la caddeeyo halka uu mustaqbalkeedu kusii jeedo.

“Garsoore, jaceylkaygu marnaba dhab kama ahayn xiriirka igala dhaxeeya, waana sababta aan maxkamadda uga yeeray, waayo waxaan u qalmaa inaan ogaado halka uu mustaqbalkaygu ku socdo iyo masiirka labadeenna,” ayay tiri.

Waxay sidoo kale xustay inay shaki badan ka qabto xiriir hoose inuu la leeyahay haween kale.

Salaliki, ayaa isku difaacay inaanu heysan adduun adag oo uu aroos kala kacsan ugu dhigi karo jaceylkiisa, sidaas darteedna uu ku qasbanaaday inuu ka dhursugo waayaha.

Wuxuu sidoo kale xiriirka hoose ee lagu tuhmay ku sheegay mid laab-la-kac iyo hinaase ku dhisan. Taas beddelkeeda, wuxuu ku eedeeyey inay iyadu leedahay sababta uu gaabiska ugu yimid xiriirkooda madaama aysan aalaaba siinin dhugmadii uu kaga baahnaa marka uu soo waco.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!