crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Dhegta iga jara idin ma dhihin” — Haweeney Dacwad ka ah Qalliin isku qurxiskii lagu sameeyey. | HimiloNetwork

“Dhegta iga jara idin ma dhihin” — Haweeney Dacwad ka ah Qalliin isku qurxiskii lagu sameeyey.

MUQDISHO (HN) — Haweeney 31 jir ah taas oo dhawaan gashay qaliin dhinaca qurxinta sanqaroorka ah ayaa la walbahaartay markii ay ogaatay in carrabka dhegteeda laga jaray iyada oo aan la ogeysiin.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Ms. Zhao, waxay kowdii September qaliin sanka ah ku martay Angel Wing Hospital. Wuxuuna ahaa midkeedii labaad muddo shan sano gudaheed ah. Zhao ayaa warbaahinta u sheegtay in qaliinku uu ugu dhammaaday si fiican, balse afar maalmood kaddib markii ay isku fiirisay billa-dayaha, waxay aragtay wax aysan fileyn.

Carrabka kasoo horreeya dhegta duleelkeeda ayaa ka maqan; mana loo sheegin kahor iyo kaddib markii ay qaliinka maraysay.

Markii ay hordhigtay cabashadeeda isbitaalka, waxaa loo sheegay in jarmada carrabka dhegteeda uu qeyb ka ahaa heshiiskii ay saxiixday markii ay maraysay qaliinka.

31 jirtan ayaa hadda dalbanaysa magdhow iyo cawil-celin dhammeystiran in loogu soo celiyo lacagteeda madaama aysan aqbal ku ahayn sidii ay wax u dhigeen.

Waxay sheegtay inay dhib weyn ku qabto inay wax ku dhageysato xariga codka soo qaado ee dhegaha la geshto madaama uu kasoo dhacayo marwalba oo ay geshato.

Kiiskeeda ayaa dood adag iyo kala maan ka dhex abuuray iyada iyo isbitaalka, waxaana arrinta soo fara-geliyay booliska.

Balse ilaa iyo hadda dhanna uma dhicin xalkeeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!