crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qoyska ku dhawaad 40 sanno Gurigooda kula nool Yaxaas. | HimiloNetwork

Qoyska ku dhawaad 40 sanno Gurigooda kula nool Yaxaas.

MUQDISHO (HN) — Nobumitsu Murabayashi wuxuu 34 sano kahor iibsaday yaxaas yar kaddib markii uu jeclaaday inankiisa xilli ay joogeen dukaan lagu iibiyo rabaayadaha.

Laakiin, maanu fileyn in yaxaaskaasu uu ugu danbeyn kamid noqon doono qoyskiisa. Hadda yaxaaskan oo dhererkiisu gaarayo 7 feet; culeyskiisuna dhan yahay 45 kg, wuxuu nolol aan cabsi lahayn kula nool yahay qoyskiisa.

Mar kaliya ayay dhacday inuu qaniino wiilkiisa isaga oo yar; taniyo markaas, laakiin, wax dhiillo ah laga lama kulmin. Waxaana uu awoodi karaa inuu la wareego mararka qaar; xattaa carruurta yaryar ayaa awoodi karaa inuu dushiisa ku fadhiistaan cabsi la’aan.

69 jirkan ayaa yaxaaska uu rabaayadda ka dhigtay awgeed, wuxuu caan ka noqday magaalada Kure oo uu ku nool yahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!