crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dadka la baxaya magaca Donald Trump oo soo badanaya | HimiloNetwork

Dadka la baxaya magaca Donald Trump oo soo badanaya

Muqdisho (Himilonews) – Qoyska ku nool dalka Ciraaq ayaa noqday dadkii ugu danbeeyey ee ilmahooda u bixiya magaca madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka, Donald Trump.
Xilli Trump uu isku diyaarinayo inuu majaraha Aqalka Cad ku wareego maalmo kaddib, qoyska Hassan Jamil oo ku nool dalka Ciraaq ayaa wiilkooda u dhashay waxay u bixiyeen Trump si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan.
Aabaha wiilka oo 24 jir ah kana tirsan ciidanka Peshmerga ayaa aaminsan in madaxweynaha la doortay ee US uu ka dhabeyn doono balamadii uu qaaday oo ay ku jirto inuu xoogagga Kurdiyiinta ahi ka caawin doono la dagaallanka kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee IS.
“Waxaan wiilkayga u bixiyay Trump waayo waa nin warkiisu cad yahay: waana sababta uu doorashada ugu guuleystay,” ayuu yiri Hassan Jamil.
Marka loo eego xog ay sii daysay BabyCenter, tirada dadka ilmahooda u bixinaya magaca madaxweynaha la doortay ee Maraykanka way soo kordhayaan.
Lamaane ku nool gobalka South Carolina ee Maraykanka ayaa laba wiil oo mataano ah oo ay ku dhaleen isbitaalka Grand Strand Medical Center, waxay u kala bixiyeen Donald iyo Trump.
“Donald waa nin aragti fog: maalqabeen iyo dhaqaalyahan ah kaas oo aragtidiisa ku matali kara waxa Maraykanka ka dhigi kara dal weyn mar labaad,” ayay tiri hooyada dhashay mataanaha oo lagu magacaabo Latifa Huxley.
Aabaha mataanaha Damian Huxley ayaa isna intaas kusii daray: “Donald waa nin ereyadiisa matala. Waan rumeysanahay waayo wuxuu America mar labaad ka dhigi doonaa mid weyn.”
Bishii hore ayay ahayd markii haweeney ku nool dalka Ireland ay la baxday magaca Donald Trump kadib markii ay sheegtay inay dooneyso inay kaalmo kaga hesho xaggiisa si ay wax ugu qabsato seygeeda oo qaba cudur halis ah.
Isha: Radiohimilo.so
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!