Freeman oo Aadaanka ku tilmaamay codadka ugu macaan dunida

California (Himilonews) – Jilaaga Hollywood-ka Morgan Freeman ayaa sheegay in dhawaqa Aadaanka salaadda ee Muslimiinta uu yahay mid kamid ah codadka ugu quurx badan dunida oo dhan.
Faalladan ayuu tiraabayay mar uu booqasho ku tagay masjid ku yaalla gudaha Maraykanka isaga oo ka qeyb-galaya madal looga hadlayay diimaha kala duwan ee Samaawiga ah iyo xiriirka ka dhaxeeya.
Gudaha muuqaalka, Freeman ayaa la arkayay isaga oo imaamka masjidka su’aalaya sheekada ku saabsan Aaadaanka.
Aadaanka ayaa ah dhawaaq Muslimiinta loogu yeero inay soo ajiibaan gudashada salaadaha shanta ah ee sida maalinlaha ah looga rabo.
Freeman ma ahan shaqsiga kaliya ee caan ah kaas oo Aadaanka ku sheegay dhawaqyada ugu macaan dunida.
Mar dhow ayay sidoo kale ahayd markii Edwin Samuel oo ah u hadlaha dalka Britain ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ‘MENA’ uu bartiisa kulanka bulshada soo dhigay Aadaanka salaad kamid ah salaadaha faralka ah isaga oo ku sugan  masjid ku yaalla Dubai.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!