crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waa Waaya’aragnimo Xanuun badan Noqoshada Qaxooti! | HimiloNetwork

Waa Waaya’aragnimo Xanuun badan Noqoshada Qaxooti!

Delhi (Himilonetwork) – Taniyo markii Myanmar uga soo qaxday Xerada Cox Bazar ee dalka Bangladesh ugu danbeyntiina ay timid New Delhi, Tasleema oo kamid ah bulshada caddiban ee Rohingya, waxay ogaatay inaysan wali helin meel ay ku sal-dhigato.
Tasleema ma xusuusan karto goortii ugu danbeysay oo ay ku lado goob ay ku tilmaami karto gurisamo.
Dab kaliya ka kacay xerada ay ku jiraan qaxootiga Rohingya ee ku nool New Delhi ayaa mar labaad barakiciyay.
Ku dhawaad 44 guryo ka sameysan cooshado oo ay ku jiraan qaxootiga Rohingya ee ku nool xerada Sarita Vihar, waxaa ku hoy beelay 100 haween ah iyo 50 carruur ah.
Tasleem, oo 23 jir ah, waxay kamid ahayd tiro qaxooti oo gaaraya 75,000 oo sannadkii 2012 isaga oo cararay qalalaaso ka dhex qarxay bulshada Buudiska u badan iyo tira-yarta Muslimiinta ah ee ku sugan Rakhine. In badan oo ay iyadu kamid tahay ayaana usoo qaxay dalalka deriska ah.
“Waxaan ku jiraa geeddi taniyo markii aan 17 jirsaday. Carruurtaydu waxay ku dhasheen qaxooti, waxayna ku jiraan dhibaatada qaxootinimada,” ayay u sheegtay warbaahinta PTI.
Dabka qabsaday xeradooda oo ka dhashay fiilo koronto uu fiiqmatay waxaa ku bas beelay hoygoodii iyo gebi ahaan agabkii ugu jiray.
Lama soo werin wax shil ah, hayeeshe qaxootigan waxba uma harin. Xittaa kaararkii qaxootinimada oo ay siisay UNHCR ayaa ka gubtay kaas oo ay aqoonsi ahaan u heysteen. Hadda la’aanta kaarkaas, waxay halis ugu jiraan in la xiro, xabsiyada lagu guro ama laga musaafuriyo dalka oo dhan.
“Dabku wuxuu isku baahiyay dhammaan dhinacyada xerada – isaga oo raacaya bacaha balaastikada ah iyo gaasaska cunnada lagu karsado ee inoo yaalla,” ayuu yiri abu Fazal, oo ah qaxooti kale oo xerada ku nool.
Amina Begum, oo 28 jir ah, ayaa xusuusanaysa sida ay ula dageen xaaladdooda iyo dadaalka ay ugu jireen inay dib ugu dhisaan noloshooda kahor inta uusan dabkani waxba u reeban. Xittaa wuxuu liifadda u gaabiyay rajadoodii ahayd inay aasaan arammida tagtadii hore oo ay soo mareen.
“Waxaan soo iibsaday harqaan oo dharka ku toli jiray si aan macaash uga sameeyo,” ayay tiri. “Isagiina waan waayay.”
Carruurta qaxootigana halkan waxaa sidoo kale ka maqan buugtii ay wax ku dhigan jireen iyo agabyadii ay ku dheeli jireen oo dabku la tagay.
Wakiillada NGO-da gudaha ayaa sheegay in xeryahani la’ yihiin walxaha aas’aasiga u ah noloshooda sida; daryeelka caafimaadka, nadaafadda, biya-nadiif ah oo ay cabaan, wax-barasho iyo wixii soo raaca. Markuu dabku qabsadayna, xaaladdu way kasii dartay.
“Ciyaalku si gaar ah waa dhibanayaal u nugul cudurrada Kaneecada, iyo kuwa kale,” ayuu yiri Syed Azhar, oo ah xog-hayaha qaran ee Ururka Ardayda Islaamiga ah ee Hindiya, oo kamid ah naadiyada kaalmada u raadiya qaxootiga.
Qaxooti badan ayaa wixii ay ku noolaan lahaayeen ku waayay dabka.
“Gudaha xeryaha waxaa ka dhex jiray ganacsi yaryar oo ay ku maareeyaan nolosha. Hadda waxaa qasab ku ah inay halka hoose kasoo bilaabaan,” ayuu yiri Azhar.
UNCHR waxay sheegtay inay dib ugu hagaajisay kaararka aqoonsiga qaxootinimada dad gaaraya 226. Waxay intaas kusii dartay inay sameynayso wax walba oo ay awooddo si ay dib ugu soo celiyo rajada nololeed ee ka maqan dhibanayaasha qaxootiga Rohingya ee xeradan ku nool.
Hayeeshe qaxootigani waxay ka baqayaan in waaya’aragnimada qaraar oo ay ku nool yihiin aan degdeg looga jawaabin.
Myanmar ayaa aqoonsiga muwaadinnimo u diiday dadka Rohingya taniyo sannadkii 1982-kii.
Xasuuqa lagu hayo wuxuu gaaray heerkii ugu xumaa taariikhda casriga ah oo QM ay ku tilmaantay Buugga Isir-sifeynta.
Ku dhawaad 700,000 oo qaxooti ah ayaa sannadkii hore kasoo tallaabay xadka ay la wadaagaan Bangladesh si ay ugu samata-baxaan.
Kiisaska dil-wareedka, kufsiga iyo addoonsiga waxay noqdeen sheekooyinka maalinle looga soo weriyo qaxootiga.
Mar la weydiiyay haddii ay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda Myanmar, in badan waxay sheegeen inay maalmo badan u hiloobi jireen guryahooda, hayeeshe cabsi ay ka qabaan inay ku laabtaan awgeed ugu nagaadeen qaxootinimo.
“Hindiya hadda waa guri aan nabad ku degannahay,” ayuu yiri Abu Saleem. “Waxaana isku dayaynaa inaan la qabsanno nolosha ina hor taalla.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!