crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sawiro – Geedka Ceelbuur-ku-yaalle. | HimiloNetwork

Sawiro – Geedka Ceelbuur-ku-yaalle.

MUQDISHO (HN) — Bilowgii 1920-kii, markii Gumeysiga Talyaanigu uu Saldanaddii Hobyo kala wareegay gacan-ku-heynta Ceelbuur, waxyaalaha laga mahdiyay waxaa ugu weyn dhir-beerista. Geed harac-weyne sida Yaaqa u ballaaran kaas oo bixiya ubax-aan-dhab-u-korin oo leh midab jaalle ah oo marka danbe loogu yeeri doono Ceelbuur-ku-yaalle ayaana kamid ah.

Geedka Ceelbuur-ku-yaalluhu, ilaa iyo hadda, sida magacaba ka muuqata, waxaa la dhihi karaa waa midka kaliya oo aan laga heli karin meel aan ka aheyn Ceelbuur. Qarni ka badan, geedkani wuxuu astaan lagu baadi-sooco u yahay ilbaxnimada iyo xadaaradda fog ee lagu yaqaan magaalada.

Balse ku-gaar-noqoshadiisa Ceelbuur ma ahan sababta qura ee magaciisa ka dhigtay mid caan baxa. Bilowgii 70-meeyada, fannaanka Salaad Maxamed Shardi oo kamid ah dadka u dhashay magaalada ayaa jeclaaday gabar ay xaafad qura iskula soo koreen. Haddaba si uu astaan jaceyl uga dhigo aramida caashaqa ku beermay laabtiisa, wuxuu kaga golaadayaa inuu bilicdeeda iyo dhaqan-wanaageeda halqabsi uga dhigo magaalada. Waxaana heesta oo la yiraahdo Ceelbuur-ku-yaalle uu ku sifeynayaa baxaalliga degaan ahaaneed iyo mid dhaqan-wanaag oo ay caan ku tahay Ceelbuur.

Nin reer Waqooyi ah ayaa laga hayaa; haddii aad rabto inaad bulsho meel wada fadhida aad ka ogaato midkooda ka soo jeeda Ceelbuur, waxaa kugu filan inaad ugu dhifato heesta Ceelbuur-ku-yaalle.

Mana ahan dadka degaanka kuwa aadka ugu jecel dhageysigeeda. Taarrikh ahaan, heesta Ceelbuur waxaa la oran karaa waa middii ugu horreysey oo magaalo Soomaaliyeed loo qaado qarnigii tagay. Xittaa heesta Beledweyne oo ah mid kale oo loogu majeersi badan yahay dhageysigeeda, waxay ku dhalatay maseyr togan oo Abwaan Hadraawi uu la jeclaaday in sida Ceelbuur uu wax ka yiraahdo Beledweyne mar uu socdaal ku joogay, sida uu ka sheekeeyey Salaad Darbi.

Miraha heesta Ceelbuur waxaa sameeyey Abwaan Cali Diiriye oo reerJabuuti ah, balse maadaama aanu aqoon fog u laheyn magaalada, tuducyada qaar waxaa ku darsaday fannaanka oo aqoon durugsan u lahaa.

Heestani, sida kale marka loo fiiriyo, waa halka laga bartay in – iyada oo lagu halqabsanayo magaalo – gabar amaanteeda loo nisbeeyo.

Marka aan usoo laabanno geedka Ceelbuur-ku-yaallaha, kiisa dhab-u-weynaada wuxuu runtii bixiyaa hoos ballaaran oo harac qabow leh; iyo dhir cagaaran oo aroor walba soo daadinaysa fuf yar oo ubax jaalle ah.

Waqtigii hore, wuxuu magaalada uga yiillay daafaha laga soo galo oo dhan. Waxaana inta badan loo aadi jiray sheekada iyo fadhiyada caadiga ah. Caqligii yaraantayda, wuxuu ii sheegijiray in geedahani haddii ay mar xaalufaan aan dib danbe loo beeri Karin. Laakiin, farriimaha wanaagsan oo aan kala imid Ceelbuur waxaa iigu weyn in geedaha Ceelbuur-ku-yaallaasha ay wali astaan nool u yihiin bilicda magaalada.

In kasta oo kuwii waaweynaa oo magaalada lagu yiqiin ay qaarkood qalaleen; kuwa kalana ay jirid-go’een, haddana bannaanka magaalada waxaa ka baxaya dhowr iyo toban kale oo qaarkood qurux badan.

Guryaha qaar ayuu sida geedaha kale ee magaalada caasimadda, wuxuu u yahay hoos ay hargalaan. Waxaana sida la ii sheegay la awoodi karaa in si caadi ah loo tallaali karo.

Haddii loogu tala-galo in dib loo nooleeyo kuwii waaweynaa ee jiilaal ku-daba-dheeraaday iyo colaad joogto ah la qalalay, waxaa la awoodi kara in sidoodii lagu soo celiyo. Waxaa kale oo muhiim ah in lagu xisaabtamo ilaalinta kuwa kale ee si lagu faani karo noogu baxaya.

Mustaqbalka waxaan jeclahay inay Ceelbuur noqoto xarunta farshaxanka, fanka, iyo fardooleyda. Geedka Ceelbuur-ku-yaallana uu noqdo mid kamid ah goobaha dalxiiska loogu yimaado magaalada.

Laba geed Ceelbuur-ku-yaalla oo isku dhinac yaal iyo mid ka yara fog.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!