crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Khudbaddii aan ka jeediyay Ban-dhigga Buugga Madaxdii la Mahdiyay. | HimiloNetwork

Khudbaddii aan ka jeediyay Ban-dhigga Buugga Madaxdii la Mahdiyay.

MUQDISHO (HN) — Nabad iyo naxariista Eebe korkiinna Allaha yeelo. Magaceygu waa Zakariya Xasan Maxamed, qoraha Dhiganaha aan maanta bandhigiisa u fadhino iyo suxufi iyo geyfane degaan.

Waxaan rabaa inaan aqoonsado maamuuska fadhi ee maqaamka qof walba uu ku joogo halkan. Waxaanse joogi Karin anigoon magac-dhebin asaatida iyo aqoon-yahannada sharafta leh ee si aan cadaadis laheyn u qiimeeyey yeermadeenna.

Waqtigan la joogo oo aan hubo inaad 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhursugeyseen inay timaado si aad uga marqaati noqotaan bandhiga Buugga Madaxdii la Mahdiyay, ii oggolaada inaan idin ku soo dhaweeyo salaan salka uurka ku taal; saamaxaysa qalbiga iyo siday walaalnimadu ahayd.

Imaatinkiinnu halkan waa baaq muujinaya is-beddelka jira ee xaga aqriska iyo qoraalka. Waa farriin iftiiminaysa sida ay nooga go’an tahay inaan ku walaalowno dunida aqoonta iyo ilbaxnimada. Waa tallaab horay loogu qaaday dhinaca is-beddelka dhabta ah ee jiritaanka aadmiga. Waa baaq dunida inteeda kale cod dheer ugu sheegaya inaan in badan dulqaad usii lahaan doonin jahliga maadaama aynu fahamsannahay in aqoon-darridu aas-aas u tahay dhammaan mushaakilka jira.

Kol haddii aqoontu tahay hubka ugu weyn ee loo adeegsan karo in dunida lagu beddelo, sida uu yiri Nelson Mandela, isku imaatinkiinu halkan waxay saadaal fiican ka sheegaysaa halkan aan taagannahay iyo meesha aan hiigsaneyno.

Sababta qoritaanka Buugayga, waxay ku dhisan tahay saddex marxaladood: mid waan usoo joogay; midna waxaan ku helay maqal; midna waxaan kaga bogtay aqris iyo cilmi-baaris.

Qisada Buuggu runtii waxay ku dhisan tahay doonis adag oo aan ku dalbayo in la helo xalka mushkiladda nagu sal dhigatay oo dalkeenna gees ka gees ku baahay. Nus qarni ka badan dalkeennu mahelin dowlad dhexe oo muwaadinka u sahasha adeegyadiisa aas-aasiga. Guulaha tirsamaya oo laga taaban karo dowladnimadeenna waxaa lagu hilaadin karaa in ka yar 10 sanno oo shacabka iyo maamulba ay iska kaashadeen inay xoogooda iyo xoolaha iskugu geeyaan horumarinta dhulkooda.

50-ka sanno ee kale oo soo haraysa, dalku wuxuu hanti iyo dad lahaa ku bixiyay hal dhinac. Waxaa la iska hilmaamay awoodeynta aas-aasiga ah ee bulshada sida ilaha caafimaadka, tacliinta, shaqo-abuurka, ilaalinta degaanka iyo dhowraarinta dhaqanka iyo hiddaha.

Laakiin, Buuggan wuxuu sidaa farriin ka duwan inta kale. Wuxuuna si fudud kaaga dhaadhicinaya xalka dhibaatada Soomaali kala sii fogeynaysa. Wuxuu hubaashii ku siinaya fikir madax-banaan oo kuu sahlaya inaadan kala garato sababta dal uu ku fashilmo inay tahay midda dal kale uu ku guuleysto. Waana helidda hoggaamiye aragti fog oo umaddiisa u jiheeya dhinaca fiican ee is-beddelka iyo liibaanta nolosha.

Xulashada hogaamiyaasha aan kusoo qaatay Buuggu waxay runtii farriin cad iyo xujo ku tahay madaxdii shalay dalkeenna soo maray; kuwa maanta xukunka ku fadhiya; iyo jiilka soo aadan kuwa ku jiri doona.

Waayo dhammaanba hoggaamiyaasha uu Buuggani xushay, waxay ka midaysnaayeen suura-gelinta hal arrin – helidda umad si midaysan ugu dhex raaxaysata dhulkooda’ iskuna filan dad ahaan.

Waxaan ku raja-weynahay in Dhiganahani uu bilow fiican u noqon doono in madaxdeennu ka dhigtaan tusaale habboon oo looga dayan karo dhinaca fiican madaxdii ay mahdiyeen umadaha ay hoggaamiyaan.

Waxaa xusid mudan in Buugga xogaha uu sido aan raaciyay aragti ii gaar ah oo muddo badan ka dhex guuxayay maskaxdayda kuwaas oo maadaama aan jawaabtooda ka dhex helay madaxda aan guulahooda ku qoray Buuga aan ogeysiis ahaan ugu reebay Soomaali walba oo sideenna oo kale meelna aan uga bixin dalka; ama burburkii dalka uu sabab uga dhigay inuu ibadda ugu qaxo.

Hannaanka aan u qoray Buuggani ma ahan erey-suuqeed aad wada fahmi kartaan. Haddana waxaan hubaa inaydan u baahnaan doonin qaamuus inaad la kaashataan aqrintiisa.

Hab-raaca aan u adeegasaday dhigaalkiisa waxaa waxa afka qalad lagu yiraahdo edu-tainment – oo ah aqoonta ‘education’ lagu daray madadaalo ‘entartainment’

Marka aad dhex qaadayso sadarradiisa kala duwan waxaan hubaa inaadan ka caajisi doonin aqristiisa oo adiga oo kahelaya xogo ku kaafiya aad isla jeer ahaantaana mar qiiroonayso; marna qosol gariiri doonto. Waxaa intaas dheer, waa mid si isku mid ah ay u adeegsan karaan cilmi-baarayaasha, bahda saxaafadda, iyo qorayaasha.

Sida uu qabo tifaftiraha Buugga, Ismacil Xasan Maxamed, wuxuu geesta kale Dhiganahani ka buunbuubinaya aragti ku dhisan kala doorashada jaceylka iyo naceybka; hanweynida iyo hanyarida; cadaalada iyo dulmiga; sinnaanta iyo eexda.

Waa maalin kale oo shaqsiyan qiimo weyn ii leh inaad si shuruud la’aan ah usoo ajiibteen codsigeenna si aad uga marqaati noqotaan bandhiga Buuggan oo aan hubo inuu kuso aaday waqtigii loo baahnaa inuu soo baxo. Waxaan hubaa inaydan halkan u imaanin aniga dartay; ama Bandhig awgiis; balse aad u timaadeen inaan si Soomaalinimo leh iskaga kaalmeyno aragti hor leh iyo hayaan ka duwan midkii aynu soo marnay si aan u dhisano dalkeenna – innaga oo kaashanaya farriimaha uu sido Buuggan.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!