crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Zaira Wasim ay isaga joojisay jilidda filimada. | HimiloNetwork

Sababta Zaira Wasim ay isaga joojisay jilidda filimada.

MUQDISHO (HN) — Atariishada ku guuleysatay abaal-marinta Bollywoodka ee Zaira Wasim ayaa gebi ahaanba iskaga hartay shaqada jilidda filimada oo ay ka heysay shirkadda – iyada oo sabab uga dhigtay go’aankeeda inay dib u dhis ku sameynayso caqiidadeeda Islaamiga oo ay u cabsatay, sida laga soo xigtay NDTV.


‘Shan sano kahor markii aan ku biiray Bollywoodka waxaan sameeyey go’aan saameeyey noloshayda; maantana waxaan qaadanayaa go’aan kale oo noloshayda inta ka dhiman dhinaca fiican u hoggaamiya,’ ayay tiri Zaira Wasim.

‘Dhinac ahaan, waxaan sameeyey magac iyo sumcad adduun ahaaneed; laakiin waxaan aad u dhaawacay iimaankeyga iyo xiriirka igala dhaxeeya Ilaahaygii i abuuray,’ ayay sii raacisay.

18-jirta ku caan baxday filimkii ay la sameysay Jilaaga weyn ee Aamir Khan ayaa sheegtay inaysan xasilooni iyo deganaan ruuxi ah ka helin magaca iyo sumcadda ay ka heshay jilitaanka aflaamta.

‘In badan waxaan jilay noqoshada qof kale sheekadiisa; balse hadda waxaan rabaa inaan noloshayda dhabta ah u jilo sida ugu habboon naftayda iyo diintayda.’

Zaira ayaa ah Muslimad kasoo jeeda gobalka Kashmiir oo ay xoog ku heysato dowladda Hindiya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!