Waxay ahayd munaasabad ay dadkii ka qayb galay aad u faraxsanaayeen oo dareemayeen inay magaalada Berbera oo beryo ardaydu kuleylka awgii ugu hayaami jireen magaalooyinka kale ay haatan adeegyadii loo baahnaa u soo korayaan.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo xafladda ka hadlay ayaa waxa uu ku guubaabiyey shacabka magaalada Berbera in ay u hagarbaxaan daryeelka maktabadda, isagoo dhankiisna ballan qaaday in ay maamul ahaan heegan u ahaanayaan ilaalinta iyo daryeelka maktabadda oo ah buu yidhi adeeg kobcinaya garaadka iyo aqoonta dadka.