crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Berbera oo laga furay Maktabadii ugu horraysay oo ay yeelato muddo dheer. | HimiloNetwork

Berbera oo laga furay Maktabadii ugu horraysay oo ay yeelato muddo dheer.

Berbera (Himilonetwork) – Magaalada Berbera ayaa waxa saaka lagu qabtay xaflad weyn oo si rasmi ah loogu furay maktabadii ugu horeysay ee ay yeelato magaaladan dekedda ah ee istiraatiijiga ahi.
Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo shaqo u jooga magaalada Berbera kana qayb galay xadhig ka jaridda maktabadan akhriska ee Berbera, ayaa ku soo waramaya in makatadda uu ku arkay buugaag faro badan oo la dhigay ,waxaanu intaa ku daray in dhismuhu yahay mid qurux badan oo u qalma inuu noqdo goob aqooneed.
Duqa magaalada Berbera, Cabdishakuur Ciddin, ayaa u sheegay in maktabadaa ay yaallaan shan iyo toban kun oo kitaab oo culuum kala duwan ka kooban.
Maktabadan waxaa loogu talo galay ardayda dugsiyada, jaamicadaha iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladuba in ay ka faa’iidaystaan, waxaana dhismaheeda inta ugu badan maal gelisay dawladda hoose ee Berbera iyadoo ay jiraan sharikado kale iyo xarumo ka qayb qaatay oo sharikada Dahabshiil ka mid tahay sida laga sheegay munaasabada lagu furayey maktabadda.
Gudaha maktabaddaWaxay ahayd munaasabad ay dadkii ka qayb galay aad u faraxsanaayeen oo dareemayeen inay magaalada Berbera oo beryo ardaydu kuleylka awgii ugu hayaami jireen magaalooyinka kale ay haatan adeegyadii loo baahnaa u soo korayaan.
Xafladda waxaa ka qayb galay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiir ku xigeenka waxbarashada, Cabdilqaadir Dhegaweyne iyo wasiirka diinta iyo awqaafta.
Gudaha maktabaddaGudoomiyaha gobolka Saaxil oo xafladda ka hadlay ayaa waxa uu ku guubaabiyey shacabka magaalada Berbera in ay u hagarbaxaan daryeelka maktabadda, isagoo dhankiisna ballan qaaday in ay maamul ahaan heegan u ahaanayaan ilaalinta iyo daryeelka maktabadda oo ah buu yidhi adeeg kobcinaya garaadka iyo aqoonta dadka.
Xigasho – BBCSomali.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!