Sucuudiga oo bilaabaya Soo-jiidashada Dalxiisayaasha Muslimiinta ah.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
May 13, 2018
532 Views
Jeddah (Himilonetwork) – Guddiga Dalxiiska Sucuudiga ayaa bilaabaya qorshe ay dalkooda uga dhigayaan goob-dalxiiseed soo jiidata indhaha dalxiisayaasha Muslimiinta ah ee dunida dacalladeeda ku kala nool.
“Guddiga Dalxiiska iyo Hidda-dhaqanka Sucuudiga wuxuu ku jiraa dadaal uu ugu diyaar-garoobayo aragtida 2030 kahor in dalkan uu noqdo mid soo jiita indhaha dalxiisayaasha Muslimiinta ah,” ayuu yiri Saud Al-Mogbil, oo ah af-hayeenka Guddiga.
Mashruucani wuxuu xujeyda u sahli doonaa in – marka ay dhammeystaan waajibaadka Xajka – ay ku dalxiisi karaan goobaha dalxiiska loogu tala-galayo ee Sucuudiga katirsan. Wuxuu sidoo kale soo jiidan doonaa indhaha ganacsatada Muslimiinta ah iyo socotada ku-meel-gaarka ah.
Marka laga yimaado Xaramka Barakaysan, goobaha ay mudan tahay in dalxiis ahaan loo aado waxaa kamid ah ceelka Biyaha Zamzam, Qubuuraha Saxaabada, Ceelkii Cusman bin Cafaan, Beerihii ay lahaayeen saxaabada, Magaalada Madiina al-Munawarah iyo meelo badan ayaa loo aadi karaa dalxiis ahaan kuwaas oo raad ka haray Muslimiintii hore ah ayaa ku yaalla gudaha Sucuudiga.
Related
2018-05-13
You must log in to post a comment.