Stockhlom (Himilonetwork) – Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool koofurta Sweden ee Vaxjö ayaa loo idmay inay codbaahiyaha kasii deyn karaan Aadaanka Salaadda maalin walba oo Jimco ah, sida lagu soo xigtay Anadolu Agency.
Booliska Magaalada Vaxjo ayaa u idmay Muslimiinta inay aadaanka u adeegsan karaan codbaahiyaha Maalinta Jimcaha, marka loo eego Radio SR.
Fredrik Modeus, oo ah baadariga degmada ayaa soo dhaweeyey tallaabadan – isaga oo intaas kusii daray in Sweden ay xuquuq badan siiso muwaadiniinta Swedish-ka ah.
Bishii Febraayo, Guddiga Muslimiinta Växjö ayaa dirsaday codsi ah in loo idmo inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha.