crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin afadiisa ku furay WhatsApp–waayo waa sida Tufaax | HimiloNetwork

Nin afadiisa ku furay WhatsApp–waayo waa sida Tufaax

Muqdisho – Nin ayaa afadiisa ku furay WhatsApp–isaga oo fariin-qoraaleed ahaan ugu diraya–wax ka yar saddex toddobaad oo ay caruus wada ahaayeen–isaga oo la mithaalaya Tufaax.

Caruuskan aan la magac-dhebin ayaa xiriir guur la lahaa 21-jirad ah ardayad jaamacadeed–hayeeshe, kumaanu faraxsaneyn.

Dhanbaal halhaleel ah oo ay ka heshay xaggiisa ayuu ku yiri: “Waxaad iila mid aheyd Tufaaxa. Waana ku dhadhansaday. Kuumana baahni wax badan.”

Hooyada inanta ayaa arooska gabadheeda Caruuska deeq ahaan u siisay 10 Rupees oo Hindi ah iyo 8 sovereigns oo dahab ah kahor intaanu jabin xiriirka.

Gabadha oo aheyd ardayad jaamacadda ka dhigata culuumta ilkaha ayaa cabasho u gudbisay Guddiga Haweenka ee Hindiya.

Guddiga ayaa hadda jideeyey in–Caruuska oo ah 27-jir kasoo jeeda degmada Vaikom ee gobolka Kottayam ee Hindiya–gacanta lagu soo dhigo, sida laga soo xigtay The Times of India.

Gudaha Shareecada Islaamka, furriinku wuxuu dhaqan-galaa kolka uu ninku afka kaga dhawaaqo ereyga “Talaaq.”

Hayeeshe, sahan lagu sameeyey 10–gobol oo Hindiya ayaa muujisay in furriinka afka ah ee la isugu gudbiyo Skype-ka, farriimaha gaagaaban, dhanbaal-danabeedyada iyo WhatAapp-ka ay dhib hor leh kusoo furtay haweenka.

B Sugathakumari oo aheyd guddoonkii hore ee guddiga haweenka ayaa u sheegtay The Times of India: “Ma maleynayo in dhalinta caadiga ah ay sidan u fal-celiyaan. Guddigu waa inuu dhowraaris iyo xeer-gurmad u fidiyaa gabadha iyo hooyadeeda.”

Hayeeshe, qaar kamid ah culimada Muslimiinta Hindiya waxay qaab-furriinkan cusub ku tilmaamayaan mid ansixi kara.

Isha: Himilonews.com

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!