crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 21-November Maalin Jahli laga madax-banaanaaday! | HimiloNetwork

21-November Maalin Jahli laga madax-banaanaaday!

Muqdisho (Himilonews) – Caalamiyan  Maalinta Macalimiinta Aduunka ee “ World Teachers’ Day” ayaa waxaa  markii ugu horreysay la xusay 5th  bishii October ee sanadkii 1994 halkaas oo ay isku yimadeen Ururada Macalimiinta Adduunka. Waxaana ujeeddadu aheyd in la isku abaabulo, lana taageero macalimiinta iyo sidii loogu xaqiijin lahaa Mustaqbalka nolosha Aadanaha.
Balse 21—November waxaa loo asteeyey inay tahay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed. 21- November sanadkii 1974-kii ayaa dowladdii Kacaanka waxay maalintaas u aqoonsatay maalin la weyneeyo macalinka Soomaaliyeed. Maanta waa maalin qaran. Maanta oo kale si loo muujiyo loona xuso qiimaha uu leeyahay macalinka Soomaaliyeed waxaa la fasixi jiray dhamaan xarumaha wax-barashada oo dhan.
Xilligaan Soomaaliya si muuqata loogama xuso maalinta macallinka Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan qeybo kooban oo ka mid ah ururada bulshada oo maalintaan xus aan weyneyn u sameeya.
Annaga haddii aynu nahay bulsho weynta Soomaaliyeed Macallinku qiimo weynbuu noogu fadhiyaa, oo xitaa intaan iskuullada la aadin kahor macallinka dugsi quraanka waaliddiinta iyo dadka deegaankuba qaddarin aad u weyn ayey u hayeen, marka cunuggu Quraanka dhammeeyana waxaa waalidku macallinka siinjiray qaalin Geel, iyadoo qofkii geel la siiyo ay dadku u arkayeen in uu yahay qof wax gal ah oo deegaanka micno weyn ugu fadhiya.
Macallinka Soomaaliyeed wuxuu wax baridda carruurta Soomaaliyeed gacanta kusoo hayey muddo aad u fog iyo marxalado kala duwan oo qaarkood aad u dhib badan yihiin, sida bandanna macallinka Soomaaliyeed wuxuu ku shaqeeyaa mushaaraad aad u yar oo ma jiro macallin barenimadiisa daaro ka jeexday ama hanti kale ka kasbaday, laakiin waxa kali oo hawshiisa dahabka ah oo qiimaha badan uu ka dheefayayaa waxay tahay magac, sharaf, ixtiraam iyo in meel kastoo uu tagaba macallin kafadhiga looga istaago.
Intaa oo kali ah laguma soo koobi karo mudnaanta iyo amaanta macallinku leeyahay waxaa maskaxdooda iyo hal abuurkooda ugu hiilliyey suu gaanyahanno badan waxaana ka mid ah Heestan uu allifay Alle ha u naxariistee abwaan Xasan Sheekh Muumin oo uu ku luuqeeyey Alle ha u naxariistee Macallin Maxamed Mooge erayadeedana waxaa ka mid ah:
Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waxaan Ku Werwereynaa
Waddankiinna Wax U Barta
Waddankiinna Wax U Barta
Oo Xambaara Waajibkiisa
Oo Xambaara Waajibkiisa
Wahsan Meynno, Waaban Meynno
Warwareegi Meynno Oo Weec weecan Meynno
WahsanMeynno, WaabanMeynno
Warwareegi Meynno Oo Weec weecan Meynno
Guul Wacan Oo Cadow Ka Waabto
Nolol Wanaagsan Iyo Barwaaqo
Nabad Lagu Wadaago
Ha Ku Waaro Waddankeennu
Dhammaan macallimiinta Soomaaliyeedna waxaan leeyahay hambalyo, waxaanna ugu baaqayaa in ay dadaalkooda sii kordhiyaan, Allana waxaan ugu baryayaa in uu siiyo liibaanta adduun iyo midda aakhiraba.
Qormadii: al-Ustaad Barre Shiikh Abdullahi Bangaladesh
Isha: Himilonews.com
Laanta Dhaqanka iyo TACLIINTA ee Himilonews
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!