Nin guursaday Cunto!!
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
November 25, 2015
583 Views
Moscow, Ruushka (HIMILONEWS) – Nin aan la heyb tilmaamin ayaa guursaday sabaayad “Pizza” kadib jeer uu ku daalay noqoshada kali ahaaneed.
Xafladda arooska ayaa ka dhacday xarunta lagu iibiyo sabaayadda oo ku taalla magaalada Tomsk ee koofurta dalka Ruushka.
Caruuska cusub ayaa sheegay inaanu dareemeyn macno qoto dheer oo ku saabsan caruusaddiisa “Sabaayadda” hayeeshe uu xal ka doonay xiriirada dhaqameed ee isku beega noolaha kala uunka ah ee Eebe abuuray.
Ku hal-adeygsiga inaanu kalinimo kusii qaadan noloshiisa, wuxuu go’aansaday inuu guursado jaceylkiisa dhabta ah – cuntada.
Wuxuu yiri: “Isla xagal qura, waxaan garowsaday in kala bar jaallayaashayda ay ka cowdaan barkooda: halka qaar ay ka cowdaan luminta barka nolosha.”
“Jaceylka ka dhaxeeya laba qof waa isku dhex-yaac. Aad baan uga mahadshay inaan jaceylkayga siistay cuntadayda – dhab ahaanna hubanti tani dhalin meydo is-maan-dhaaf.”
“Saabayaddu kuma diidayso; kumana doorinayso. Markan dhabnimo iyo dhoolla-furnaan u hadlana, Waan jeclahay.”
Waaxda qaabilsan guurka ee Ruushka ayaase u diiday inay siiyaan fasax uu isaga diiwaan-galiyo xafiiska guurka. Halka Kaniisadu ay indhaha ka laabatay falkiisa.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-25
You must log in to post a comment.