Calanka Falastin oo la suray xarunta MA ee Adis Ababa
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
November 28, 2015
812 Views
Adis Ababa – Ururka ugu weyn QM ee Africa oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UNECA ayaa Jimcihii sare uga taagay calanka dalka Falastnin magaalada Adis Ababa oo ah xarunta midowga Africa–taas oo hadda kadib hubaal u siisay dal noqoshada reer Falastin.
Daganayaasha magaalada, danjirro iyo madax kala duwan ayaa goob-joog ka ahaa xafladda lagu taagay bandiiradda Falastin halkaas oo heesta qaranka ee reer Filastin sidoo kale laga qaaday.
“Maalintan weyn ee qiimaha leh aynu hubsano inaynu nabad iyo wada noolaansho ka abuurno Israel iyo Falastin dhexdooda,” ayuu yiri Banki Moon oo ah xoghayaha guud ee QM.
“Maanta, 136-dal ayaa Falastin u aqoonsaday dal jira–calankoodana wuxuu ku daba-tixan yahay xubnaha kale ee QM calamadooda,” ayuu sii raaciyay.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo wada noolaanshaha iyo in lagu heshiiyo nabad waarta. Wuxuu sidoo kale kaga digay labada dal inay ka foojignaadaan hadallada naca ku dhisan ee loo kala daabulayo taas oo, sida uu sheegay, hurin u ah colaaddooda.
Danjiraha u fadhiya dalka Falastin wadanka Itoobiya Nasir Abu Jaish ayaa ku baaqay in la sameeyo kormeer qoto dheer oo lagu ogaanayo xasuuqa iyo dulmiga ay wado xukuumadda Yuhuudda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-28
You must log in to post a comment.