Idaacaddii koobaad ee af-Soomaali ah oo laga furay Minnesota
Posted by: Zakariya
in Wararka
November 29, 2015
398 Views
Minnesota, USA (Himilonews) – Idaacaddii ugu horreysay ee ku hadasha af-Soomaali ayaa laga sii daayay magaalooyinka mataanaha–taas oo Soomaalida ka caawin doonta inay caruurtooda ku duwaan dhaqanka suuban, ladagaalanka maandooriyaha, talo-bixinta iyo xitaa xagjirnimada.
KALY oo ah warbaahintii ugu horreysay ee laga diiwaan-galiyo golaha federaalka Maraykanka, waxaa la filayaa inay door ku yeelato kobcinta garaadka da’yarta iyo wacyiga guud ee Jaaliyadda Soomaailida ee Maraykanka.
Waxa reer Galbeedku ugu yeeraan xagjirnimada ayaa sidoo kale la filayaa in idaacaddu xoogga saarto–halkaas oo ay ka jiraan dhibaatooyin la xiriira caruur Soomaaliyeed oo qaarkood loo xiro tuhun ah inay ka tirsan yihiin Ururrada Islaamiga ah ee dunida ka jira.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-29
You must log in to post a comment.