Giriigga: Haween gaajo awgeed jirkooda iibsanaya say cunno ku helaan

Muqdisho (Himilonews) – Haweenka ku nool Giriiga ayaa lagu sandulleynayaa inay jirkooda ku iibsadaan dhillaysi si loogu badalo xabad kimis ah gudaha dalka dhaqaalihiisu cuuryaamay ee dhaca bariga qaaradda Yurub.
Warbixin cusub ayaa caad-dhigtay sida ay ku dhilloobeen haween badan iyaga oo jirkooda ku iibsanaya cunno ay quutaan oo ka yar 1.2 oo ah lacagta Giniga Istarliinka ah.
Qoraha warbixintan Gregory Lazos oo ka tirsan Jaamacadda Panteion University ee Athens ayaa tilmaamay inay jiraan 18,500 oo ah haween Giriig kuwaas oo jirkooda iibsada.
Bunni Lazos wuxuu u sheegay The Times: “Haween badan ayaa oggolaada in loo galmoodo say kaliya u helaan cunto ay cunaan,”
“Waligeed lama arag tiro intan lamid ah oo kusoo kororta haweenka dhillaysta – balse waxay tani ku timid liica ku yimid dhaqaalaha Giriigga.”
Tirada haweenka ayaa laga cabsoonayaa inay kordhaan maadaama dowladdu aanay awoodin inay hesho xal kale oo shaqo abuur ah oo badbaado u noqon kara haween badan oo Giriig ah inaanay jirkooda iibsan.
Si kastaba, meesha loo cararayo ee Soomaali badan ku bixinayaan lacago–haddii muwaadinkeedu uu sidaan ku diihaalay–sidee ayaa laga fishaa inuu noqdo xaaladda qaxooti Afrikaan ah oo soo-galooti ku noqda dalkaas?!
Dad badan waxay qabaan inay arrintu la san-saan tahay hadalkii Axmed Cawke AUN ee ahaa: “Adiga oo hoyan waayay malaguu soo har galay?!”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!