Wax-barashada iyo sida aan ugu baahan tahay Bare u carbisan barenimadiisa
Posted by: Zakariya
in Wararka
April 6, 2016
801 Views
Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Aadanuhu ma gaaro meesha ugu sarreysa ilaa uu wax-barto. Aqoontu waa barashada wax aadan waligaa ogaanin, maad ogeyn. Aqoontu waa furaha lagu furo aqalka dahabka ah ee xornimada.
Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay wax-barashada waa in maan eber ah lagu badalo maskax furan. Qofkii fura dugsi wax-barsho, wuxuu albaabada isku laabay xabsiga jahliga.
Waxaa jirta murti tiraahda: ha joojin wax-barashada, waayo noloshuba majoojinayso inay wax ku bareyso. Sida uu yiri halgamaagii reer Hidniya ee Mahatma Gandhi; u noolow sida qof berriba dhimanaya—waxna u baro sida qof waligiis noolaan doona.
Wax-barashadu waa waaya’aragnimo. Wax kasta oo kasoo harana waa akhbaar ama xog, marka loo eego aragtida aqoonyahankii reer Yuhuud-Maraykan ee Albert Einstein ee lagu sheegay caqligii ugu weynaa qarnigii ina dhaafay ee 20aad.
Barashada sida wax loo barto waa xirfadaha ugu muhiimsan nolosha Aadanaha, sida ay tiri Norma Fauziyah.
Qof kasta oo wax-barashada joojiyaa waa gabow—hadduu jiro 20 sano ama 80 sano. Qof kasta oo waxbarashada wada wuxuu ahaadaa dhalinyaro. Waxa ugu muhiimsan nolosha waa inaad maskaxdaada ku ilaalisaa dhalin-yaro.
Baraha ama macalinku wuxuu sameeyaa nolosha, hadana cidna ma tilmaami karto meesha uu raadkiisu ku idlaado.
Waxaa la yiri: barayaasha jecel wax-barista waxay carruurta jecleysiiyaan wax-barashada. Sidaas darteed, bare-nimadu waa xirfad hoggaamineed oo aasaas kasoo ah dhismaha iyo kobcinta bulshada.
Marna waa hibo Alle ku deeqo bahda wax-barashada jecel ee barayaasha loogu waqlalay. Waligoodna waxay ku haraan barasho maadaama ay bartaan wax kasta oo barayaan kahor intaanay dhigin.
Qiimaha baruhu leeyahay laguma xusi karo aragti iyo erey-bixin kaliya. Waxaase ku filan inay ku sigteen noqoshada rusullo.
Barayaashu ugu badnaan waligiis waa adeege—xittaa marka kuwii uu soo ababshay ay noqdaan kuwa loo adeego. Hayeeshe, in lahelo barayaal xirfad hufan leh, waxay qeyb ku leedahay hubsashada inay soo socoto umad soo horu-kaceysa aqoon ahaan.
Waagii hore, qofku markuu ka baxo dugsiga sare, waxaa lamarin jiray leyli wax-baris oo sanad ama laba sano ku dhow. Markaas kadib ayaa isaga oo carbisan loo qaadan jiray macalin ahaan: halkaas oo xuquuqdiisuna ay dowladdu bixin jiray.
Maanta, tirada dugsiyo ama jaamacado ee ku yaalla caasimadda aad bay u badan yihiin, taas oo muujinaysa kororka tacliintu inuu hagaagayo.
Balse waxaa daaqadda ka baxday leyligii iyo carbiskii loo sameyn jiray baraha kahor intuusan baranimada ku shaqo bilaabin.
Hadaba intee la’eg ayay dhacdaa in qof loo qaato macalinimo isaga oo si wacan loosoo hufin tayada xirfaddiisa?
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan Hiraal.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-04-06
You must log in to post a comment.