crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney musqul ku dhex-taal maktabad ku xayirneyd muddo laba maalmood ah!! | HimiloNetwork

Haweeney musqul ku dhex-taal maktabad ku xayirneyd muddo laba maalmood ah!!

Texas, USA (Himilonews) – Haweeney ayaa laga soo badbaadiyay musqul ku xirantay muddo laba maalmood ah gudaha maktabad ku taalla Maraykanka, sida laga soo xigtay booliska Texas.
Booliska Waco ayaa sheeegay inay heleen yeermo uga timid shaqaalaha maktabadda subixii Isniinta si ay u war-geliyaan in haweeney ay ku dhex xiran tahay musqusha maktabadda.
Marka loo eego baaritaanada booliska, haweeneydan ayaa soo gashay maktabadda habeenkii Sabtida iyada oo musqusha qubeys u doonatay waxyar kahor intaan la xirin maktabadda.
Si aysan garaneyn ayaa waxa ugu xirmay musqusha mana awoodin inay soo baxdo—iyada oo xittaa aanan heysanin wax moobil ah oo qof ka wacato.
Markii la xiray maktabadda, haweeneydu waxay ku hartay gudaha musqusha. Waagii danbe subixii Isniinta, shaqaalaha haweeneydan ka war-helay inay musqusha ku xirantay waxayna ugu yeereen booliska.
Haweeeneydan ayaa hadaba lasoo badbaadiyay iyada oo bad-qabta.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!