crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Majirtaa madal ay u helaan gaadiidleydu canshuuraha ay sida maalin-laha ah u bixiyaan? | HimiloNetwork

Majirtaa madal ay u helaan gaadiidleydu canshuuraha ay sida maalin-laha ah u bixiyaan?

Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Lacagta cayiman ee shacabku ku simaan gacanta dowlad hoose si ay ugu fuliso dhismaha kaabayaasha nolosha si guud ayaa lagu magacaabaa Canshuur. Bixinta canshuurtu waa qodob muhiimad weyn u leh isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.
Marar waxaa dhacda in canshuurtu ka dhignaato isu-qaadista horumarineed ee dalkaada sidii middii lagu yiqiin dowladdii Kacaanka ee jideysay ol’olihii Iskaa Wax U Qabso –kaas oo lagu dhisay dugsiyo, isbitaallo, buundooyin iyo xarumo kale oo dan-guud ah.
Bixinta canshuurtu, diin ahaan, marka ay tahay ugu adeegista shacabka iyo wax ugu qabashadooda, Islaamku aad buu u bogaadiyay. Waayo waxay soo hoos galeysaa midnimada wax wada qabsiga iyo isku xirnaanta.
Hayeeshe, marka la gacan bidixeeyo canshuuraha la bixiyo, si kale, waxay ugu hor imaaneysaa axkaamta iyo shareecada. Sidaas darteed, in canshuur la bixiyo waa wixii dalkan mar ka dhigay mid –dhamaan kaabayaasha nolosha sida caafimaadka iyo waxbarashada ay noqdaan wax laga haqa-beelay in badan. Tani waxay ku dhalatay gacan-togaaleysigii –hoo iyo iga hano ku dhisnaa-.
Si kastaba, muddo laga yimid 20-sano oo jah-wareer ah, sanadihii danbe waxaa dib u shaqo-galay waaxyadii canshuuraha ee dowladaha hoose gaar ahaan minishiibiyada Muqdisho.
Marka aad ku socdaasho magaalada, dhamaan nuucyada gaadiidka ee la canshuuro ayaa waddooyinka isku dhaafa. Waxaana lala daba-joogaa qalin iyo risit lagu hubiyo bixinta canshuur-maalmeedka.
Baabuurta dadweynaha oo ah kuwa ugu badan ee lagu socdaalo sida Caasiyada, waxaa laga qaadaa 43,000 oo sh. Som maalintiiba. Bixin kadib, waxaa loo jaraa risit 24-saac ku xadidan oo uu ku socdaali karo. Kuwa ayaa bil ahaan looga qaadaa canshuurta sida baabuurta raaxada iyo wixii lamidka ah.
Balse ku dhicista canshuurtu gacanta dowladda hoose, gaadiidleydu waxay sheegaan inay kaliya ku helaan risit ah inay xornimo ugu socdaalaan magaalada.
Hayeeshe taasi ma ahan ujeedka ugu weyn ee loo bixiyey canshuurta! Waa dhismaha dalka gaar ahaan jidadka. Dowladda hoose waxay sheegtaa in lacagaha laga qaado gaadiidyada lagu dayac-tirayo laguna dhisayo jidadka caasimadda.
Walise gaadiidleydu mahayaan waddo ay kaga mahad-naqaan canshuurta ay bixiyaan.
Dal-badi shaqaalaha dowladdiisu ay mushaar ku la’yihiin musuq-maasuq hareeray howlaha dowladeed, waa iska caadi in gaadiidleyda iyo dowladda hoose aysan aad iskula xisaabtamin had iyo jeer.
Hadaba, majirtaa madal ay u helaan gaadiidleydu canshuuraha ay sida maalinlaha ah u bixiyaan?
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!