crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Niman si la yaab leh ku dhacay bangi markii ay saxarada Ey ku daadiyeen dhexdiisa. | HimiloNetwork

Niman si la yaab leh ku dhacay bangi markii ay saxarada Ey ku daadiyeen dhexdiisa.

Muqdisho – Koox bangiyada jabsata ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii ay maareeyeen xatooyada lacag badan iyo walxo qaali ah, marka loo eego booliska Spain.
Booliska Cartagena police ayaa sheegay inay xireen shanta nin oo muddo sanado ah dalal badan ka howl-geli jiray.
Falkii ugu danbeysay, shanta nin oo kasoo kala jeeda dalalka Colombia, Mexico, iyo Cuba, waxay gooni gooni usoo kala galeen bangiga. Wax-yar kadib, mid kamid ayaa aaday xafiiska maareeyaha bangiga – halka mid kalana uu dhulka ku riday xaar Ey.
Shanta nin ayaa kadib bilaabay inay ka cawdaan urta saxarada eyga, iyaga oo shaqaalaha bangiga ku eedeeyey hufnaan la’aan.
Markii shaqaalaha bangiga ay isku howleen nadiifinta, shanta nin ayaa xaday lacago iyo walxo qaali ah. Kadibna way baxsadeen.
Shaqaalaha ayaa ku baraarugay xaaladda markii ay goobta nadiifiyeen kadib.
Baarayaasha ayaa aaminsan in tuugadani ay hadba taatiko cusub oo hor leh u adeegsan jireen dhaca bangiyada. Waxayna bari-taari jireen bangiyada ku dhow laamiyada waaweyn.
Bangiyada ay dhaceen waxay ku kala yaalliin magaalooyinka Orense, Guadalajara, Toledo, Albacete, Bilbao, Lugo, Valencia, Cadiz, Cordoba iyo Lleida.
Markan booliska ayaa faafiyay muuqaallo la xiriira falkii ay ku dhaceen bangiyada, waxayna awoodeen inay gacanta kusoo dhigaan.
Shanta nin ayaa da’ ahaan u dhaxeeya 21- 61 jir. Boolisku wuxuu sheegay in shantoodaba ay dalka ku joogeen sharci-darro.
Kol hore waxaa laga soo suldaaray dalka Talyaaniga.
Cadadka lacagta ay dhaceen waxay gaaraysaa adduun dhan 140,000 euros ($164,000).
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!