crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid ku burburay Weerarkii Hoteel Xayaat oo weli albaabada isugu laaban! | HimiloNetwork

Masjid ku burburay Weerarkii Hoteel Xayaat oo weli albaabada isugu laaban!

MUQDISHO (HN) — Toddobaad un kaddib oo laga joogo markii weerarkii qasaaraha badan la dhaliyay lagu qaaday Hoteelka Xayaat, waxaa xarumaha ganacsi ee dhabarka ku haya hoteelka ka socdo howlo dib u dhis iyo dayactir ah oo lagu hubsanayo in dib loogu shaqeeyo.

Inta badan xarumahani kama socon wax shaqo ah, waxaana badigood ay u diyaargaroobayeen sida dhismayaasha burburay dib loogu taagi lahaa. Marka laga reebo kuwa yar, badi dukaamada halkan ka furan waxaa weerarku u saameeyey si muuqata.

Gidaarrada iyo saqafyada ayaa isku dumay. Khasaaraha agabyada iyo qalabkii lagu dhex iibinayay soo gaarayna ma yara. Laakiin ugu yaraan halkan kama jirto cid loo raacdo mas’uuliyadda khasaaraha ku dhacay.

Waxa kaliya oo hadda u muhiimsan waa inay degdeg u taagaan si loogu shaqeysto. Balse burbur walba oo halkan ku dhacay si isla’eg loogama shaqeynayo dayactirkiisa.

Gebi ahaanba, waxaa xiran Masjidkii aagga oo dhan looga soo aadi jiray salaadaha oo kamid ah dhismayaashii burburka xooggani soo gaaray. Kamana jirto wax dhismo ah gudihiisa.

Toddobaad kahor markii aan booqanay waxaa ka socday howlo looga daabulayo jiingadihii iyo alwaaxyadii ku baaba’ay duqeynta. Waxaana la filayay in dib looga shaqeynayo si loogu cibaadeysto gudihiisa.

Balse hadda, waxaa iska cad in sababo badan oo ay kamid noqon karto dhaqaale lagu dhiso in loo raadinayo inay ugu wacan tahay xirnaanshiyihiisa.

Masjidka oo bar istiraatiji ah ku yaalla, wuxuu leeyahay ceelbiyood u gaar ah, waxaana jamaaco badan oo socoto iyo ganacsatada aagga ka dhow isugu jira ay ku oogi jireen salaadahooda. Wuxuu caan ku ahaa in inta badan shanta waqti lagu dhex dukan jiray salaadaha.

Waxaase muuqata in Masjidku hadda u baahan yahay in laga shaqeeyo sidii mar kale dib loogu tukan lahaa gudihiisa weliba sida ugu dhaqsiyaha badan maadama uu goob muhiim oo aan Masjid kale ka ag dhawayn uu ku yaallo.

Qof walba oo muxsiniinta kamid ahna waxaa saaran waajib ah inuu karaankiisa ku darsado inuu wax ka dhiso Masjidka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!