crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabdho badan oo ‘xiisaynaya’ barashada Cillaanka saarka iyo Make-upka. | HimiloNetwork

Gabdho badan oo ‘xiisaynaya’ barashada Cillaanka saarka iyo Make-upka.

MUQDISHO (HN) — Gabdhaha aad u jeedaan looma saarayo cilaan si ay uga qeyb galaan xaflad dhacaysa. Waxay halkan u yimaadeen inay bartaan sida cillaanka iyo make-up loo saaro.

Xarunta Wax-barashada Gacanta ee Caynuush ee ku taalla Ex-Contorl Balcad waxaa maalin walba soo xaadira gabdho da’yar ah oo doonaya barashada xirfaddan si ay ugu shaqeystaan.

Faadumo Xuseen Axmed oo aan horay u baran sida cillaanka loo saaro ayaana kamid ah. Farqi weyn ayaana u dhaxeeya maalintii ay imaanaysay iyo saaka.

“Wallaahi shalay eber ayaan ka ahaa sida cillaanka loo mariyo,” ayay tiri. “Laakiin hadda alxamdullillah, waan ku kalsoonahay inaan mid qurux badan saari karo.”

In kale sida Shamso Abdi Khalif oo marsan make-upka, waxay sheegtay inay muddo badan xiisaynaysay barashada cillaanka saarka. Maanta aad aad ugu faraxsan tahay inay riyadeedii rumeysay.

“Muddo badan ayaan ku taamayay inaan barto sida make-upka iyo cillaanka loo mariyo,” ayay tiri. “Maanta waxaan kusii hanweynahay inaan ku shaqeysto oo aan heer fiican ka gaaro.”

Xarumaha cillaanka iyo make-up –ka lagu barto waa kuwo kusoo badanaya magaalada Muqdisho. Waxaana dhigta da’yar inamo ah oo doonaya inay iskood u bartaan sida la isku qurxiyo ama ay xirfad ahaan ugu shaqeystaan.

Caaisha Xuseen oo ah maamulka iyo macalimadda xarunta Caynuush, aad bay ugu faraxsan tahay inay gabdho asaageed ah oo u hamuunqaba inay bartaan xirfaddan ay wax u dhigto.

“Wax ka qurux iyo saameyn badan malahan inaad soo saartid jiil dhan oo cilmiga aad baratay ka faa’iideysta oo bulshada quruxdeeda ka qeyb qaata,” ayay tiri Caasho oo sannadkan bartamihiisa furatay xarunta.

“Waxaan doonayaa inaan meel sare gaarsiinno xirfadlayaasha xiisaynaya inay bartaan cilmigan.”

Qarash badan ayaa gabdhaha iyo hooyooyinka uga baxaya isku qurxinta siiba cillaanka saarka siiba xilliyada ciidaha iyo xafladaha, waxaana gabdhahan hadda qalinjebinaya ay doonayaan inay haqabtiraan baahida ka jirta xaafadaha iyo suuqyada ee cilaansaarka iyo make-upka ku saabsan. Taasina waxay u sahashaa inay isku filnaadaan dhaqaale ahaan oo ay noqdaan kuwo shaqeysan kara.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!