crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 85 jir Fransiis ah oo qaatay Diinta Islaamka. | HimiloNetwork

85 jir Fransiis ah oo qaatay Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Isaga oo safar ku jooga Turkiga ayuu deris la noqday qoys Muslimiin ah.

Emile Zehnder, oo 85 jir ah, wuxuu kasoo jeedaa Strasbourg, France. 9 bil kaddib dhimashada xaaskiisa, wuxuu weydiistay deriskiisa oo ah Turki uu u kaxeeyo Turkiga, sida laga soo xigtay Daily Sabah.

Waxaa markiisa hore lasoo marsiiyay magaalada weyn ee Istanbul kahor inta aan loo soo gudbinin Elazığ.

Waxaa aad usoo jiitay dhaqanwanaagga iyo dabeecadda dadka Muslimiinta ah, wuxuuna doortay inuu islaamo. Waxaana loo qabtay shahaadada.

“Markii ay xaaskaygu dhimatay kaddib, waxaan dhabnimada iyo xaqiiqda nolosha ka raadiyay meel walba; Muslimiinta ayaana iila muuqday kuwo wax sugan oo jira aaminsan,” ayuu yiri. “Waana sababta aan Islaamka u qaatay.”

Wuxuu qorsheynayaa inuu sii barto diinta inta uu nool yahay.

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana sida saxda ah ay tahay midda ugu ballaaran caalamka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!