HomeDunida MuslimkaDhiigbixintii ugu weyneyd maalin kaliya oo ay sameynayso hey'adda Islamic Charity

Dhiigbixintii ugu weyneyd maalin kaliya oo ay sameynayso hey’adda Islamic Charity

MUQDISHO (HN) — Hey’adda samafalka ee Islamic Charity ayaa doonaysa inay tallaab cusub oo hor leh ka sameyso mashruuca dhiig-bixinta ee hal maalin la bixiyo kaas oo ay ku dooneyso inay ku badbaadiso nolosha dad ku dhow 150,000.

Ol’olaha waxaa la bilaabay maalintii shalay. Waxaana horboodaya da’yar Muslimiin ah. Wuxuu ka dhacay 350 xarumood oo ku kala yaalla 23 dal oo dunida oo dhan ah. Waxaa qorshuhu ahaa inay isku soo ururaan dhiig-bixiyayaal dhan 60,000.

Waxaa sidoo kale uu ka qabsoomay magaalooyinka London, Leeds, Birmingham, Luton, Manchester, Edinburgh, Glasgow, iyo Aberdeen.

Dhiigbixinta waa mid xalaal ah oo qofka Muslimka ah lagu booriyo inuu ku badbaadiyo bani-aadanka oo dhan – isaga oo aan u eegeyin diin ahaan iyo dad ahaan. Waana qeyb kamid ah acmaasha samafalka ah sida quudinta danyarta, daryeelka kuwo jiran iyo wixii la halmaala.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments