MUQDISHO (HN) — Iyada oo laga eegayo hal-ku-dhegga caalamiga ah ee maskax fiyow waxay ku jirtaa jir caafimaad qaba, dad badan oo da’yar u badan ayaa waqti badan inay dhisaan jirkooda – iyaga oo ku biiraya goobaha loogu tala-galay in lagu tababbarto.
Inta badan dhalinyaradan ayaa jiimka u gala si ay u yeeshaan jir qurxoon oo murqo kuuskuusan iyo calool lakabyo leh oo six back la yiraahdo ah.
Waana doonis caalami ah oo aan bulsho iyo dal iyo dad gooni ah gaar ku ahayn. Dhalinyarada Soomaaliyeedna waa kamid.
Qaar kamid ah dhalinyaradan oo aan kula kulannay xilli ay ku jireen waqtigii jirdhiska ayaan kala sheekeysannay waxyaabaha ay ku jeclaadeen jiimka iyo waxa ay ka aaminsan yihiin.
“Aniga markii aan arkay in jirdhisku da’yarta noloshooda uu kamid noqday waxaan doortay inaan is dhiso,” ayuu yiri Feysal.
“Waayo waa ceeb iyo cudur isla socda inuu cayil ku fuulo. Marka maxaa diidaya inaad quruxdaada iyo fayoobidaada aad qarash ku bixisid,” ayuu sii raaciyay Ridwaan oo isaga iyo Feysal ay muddo aan kala dheereyn kusoo biireen xarunta.
In kasta oo goobaha jirka lagu dhiso ay dhawaanahan kusoo badanayeen dalka, haddana ma ahan mid dhaqan ahaan bulshadeennu tiqiin. 10-kii sannadood ee lasoo dhaafay ayuu si akstaba, jiimku kamid noqday meelaha da’yarta lagu soo jiito oo fursad dhaqaale ay ka sameystaan ganacsatadu.
Milkiilaha xaruntan ayaa inooga warramaysa sida ay jirdhiska ugu sameeyaan dhalinyaradan.
“Waxaan u aragnay lama huraan inaan buuxinno kaalinta jirdhiska dalka si dhalinyaradeennu ula jaanqaadaan hadba habka nololeed ee dunida ka jira,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud oo saddex sano kahor aas-aasay xaruntiisa.
“Caafimaad iyo kalsooni qofeed ayayna ka helayaan xaqiiqdii.”
Soomaaliya waxaa markii hore murqaha lagu dhisi jiray daasado la shamiinteeyey oo dadka xiiseeya inay jirkooda dhisaan ay guryahooda ugu diyaarsanaa. Hadda waxaa jiimku kamid noqday fursadaha dhaqandhaqaale ee ganacsatada Soomaaliyeed.
You must log in to post a comment.