NAIROBI (HN) — Sameynta jid waxaa Ku baxa qarash badan sidaa daraadeed in shaqsiyan loogu dhiirado ma badna balse 45 jir ku nool Kenya waxa uu keligii sameeyay waddo dhererkeedu yahay hal mile isagoo isticmaalaya qalab yar yar.
Sida laga arkay muuqaal laga soo duubay waxa uu falidda/qodidda wadadaas u adeegsaday agab aan loogu tata-gelin oo ay awoodiisu yar tahay sida Yaambo, Badeyl iyo Masaar.
Nicholas Muchami, wuxuu ku nool yahay deegaanka Kaganda oo 80 km dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Nairobi, dadka deegaankan muddo waxay dawladda ka dalbanayeen in waddo toobiye ah loo furo.
Dadka degan Kaganda waxay lugeyn jireen 4km maalin kasta si ay u dukaameystaan ka hor inta uusan halyeygan qaadan go’aanka uu isku xilqaamay.
Lix maalin oo xiriir ah ayuu shaqada bilaabayay 7:00AM subaxnimo waxa uu ka rawixi jiray 5:00PM galabnimo, ugu dambeyn waxa uu furay waddo 1.5 km ah.
“Waxaan go’aansaday inaay waddadan sameeyo anoo isticmaalaya qalabkayga beerta, waxaan sidaa u sameeyay badbaadada haweenka iyo caruurta,” Nicholas ayaa sidaa u sheegay wargeyska Daily Nation.
Shaqooyinka iskaa-wax-u-qabso waxay u yihiin astaan Mr Muchami, mararka qaar waxa uu noqdaa waardiye haweenkii ilaaliyaha tuulada.
Intii uu waday hawsha qofna kalama qeyb qaadan sababtoo ah dadka ma doonayaan inay lacag la’aan ku shaqeeyaan halyaygan ayaa sidaa u sheegay BBC-da , waxa uu yiri dadku way i dhaafayeen iyagoo i weydiinaya haddii ay jirto cid wax igu siineysa
Qore: Mahad Mohamed Ali.
You must log in to post a comment.