crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masaajidda Luton oo Ol’ole Nadaafad bilaabaya. | HimiloNetwork

Masaajidda Luton oo Ol’ole Nadaafad bilaabaya.

Muqdisho (Himilonetwork) – Masaajidda ku yaalla Luton ee koofur bari UK ayaa isku qeybinaya koox-koox si ay u hir-galiyaan mashruuc nadaafadeed oo lagu nadiifinayo magaalada iyo dadaal la iskugu keenayo dadka kala diimaha ah inay ku midoobaan.
“Mashruuca “The ‘Big Clean Up’ wuxuu ahaa ol’ole aad loogu guuleystay kaas oo dhaliyay fikrad lagu nadiifinayo magaalada si midaysan iyo inaan kordhino doorka naga saaran kaalinta degaanka,” Sujel Miah, oo u hadlaya Guddiga Masaajidda ee Luton ayaa u sheegay saxaafadda.
“Wuxuu isku keenay dadka kala diimaha iyo dhaqamada ah ee isugu jira waalid, walaal iyo waayeel.”
Masaajidda mashruucan horboodaya waxay kala yihiin Hockwell Ring, Suffa Tul Islam, Farley Hill, Madinah, Leagrave Hall, Al Jalal, Zakariya iyo Discover Islam. Markii uu dhammaaday ol’olaha, ka qeyb-galayaasha waxaa la siiyay cunnooyinka bisil oo ay soo kariyeen masaajidda.
Ka-qeyb-galayaasha ayaa sidoo kale isku bogaadiyay inay sii horumariyaan ol’olahan oo kale si loo helo degaan qurux badan iyo bilic leh.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!