Gabar 3 jir ah oo Qur’anka oo dhan xifdisay

Lagos (Himilonews) – Gabar 3 jir ah ayaa ka yaabisay dadka Nigeria kadib markii ay dusha ka qeybtay Qur’anka Kariimka ah – iyada oo noqonaysa dadkii ugu da’da yaraa dunida Muslimka ee dusha ka xifdiya qowlka Alle.
“Dhabtii, wax badan ma dhihi karo. Ilaahay baa mahad iska leh,” Sayyada Maimunatu Sheikh Dahiru, hooyada gabadhan ayaa u sheegtay warfidiyeenka.
“Tani waa deeq Ilaahay nooga timid xaggiisa. Waana ku mahdineynaa.”
Gabadheeda,  Rukkayatu Fatahu Umar, ayaa Qur’anka ku xifdisay da’da 3 sano iyo 8 bilood.
Gabadhan aadka u yar ayaa ka bilawday xifdinta Qur’aanka madraso uu aas’aasay shiikha caanka ah ee Dahiru Usman Bauchi.
Aadista dugsiga subaxii hore ilaa galab gaabadka, gabadhan yar ayaan helin fursad ay kula maaweesho gayaankeeda.
“Kaliya waxay nasiino la qaadan jirtay kuwo dugsiga la dhigta,” ayay tiri hooyadeed.
Balse Muslimaddan yar ayaan rumeysneyn inay dusha ka qeybtay Qur’anka oo dhan.
“Allaa mahad iska leh.” ayay kusoo koobtay hadalkeeda.
Hadda tallaabta xigta ee gabadhan yar qaadi doonto ayaa ah inay aado iskuul – si ay u jebiso dhaqanka gabdhaha ku xabisa guryaha ilaa ay ka gaaraan da’da 10-sano jirka.
Nigeria waa mid kamid ah dalalka ugu badan oo ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan qaaradda Afrika- 70% dadka Nigeria waa Muslimiin.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!