crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan ganacsadaha lacagtiisa ku bixiya guurinta gabdhaha agoomada ah ee Hindiya | HimiloNetwork

Lakulan ganacsadaha lacagtiisa ku bixiya guurinta gabdhaha agoomada ah ee Hindiya

Mumbai (Himilonews) – Gudaha Hindiya, waxaa aalabaa la fishaa in reerka caruusadda ay lacagtooda ku bixiyaan galbinta iyo guurinta inantooda. Hayeeshe marka gabadha oo yar uu aabaheed dhinto, iyadana waxaa ka dhinta rajada ah inay noqoto marwo lamaane nololeed hesha. Inta badan haweenka laga dhinto waxaa ku adag inay gabdhahooda guur u yagleelaan. Balse booskaasi waxaas soo buuxinaya ganacsade Mahesh Savani.
Taniyo sanadkii 2008, mr. Sarvani ayaa guur u agaasimay in ka badan 700 oo gabdhood oo agooman ah – kaas oo aan kaliya isku dubba-rideyn xafladda arooskooda, balse sidoo kale siinaya gabar kasta walxaha asaaska ah guriga oo uu ku jiro dahab ku kacaya qiimo ahaan 6,000 oo Doolar.
Xaflad kasta, ganacsade Savani wuxuu aroosadda u galaa booska aabenimo isaga oo walaayadeeda guddooma oo ay u yaqaanaan – Kanyadaan. Isla goobtaasna, gabdhahu waxay isaga ka dhigtaan aabahood oo kale. Waxayna kamid noqdaan carruurtiisa.
Samafalkiisu wuxuu soo bilowday 8 sano kahor, markii aabe uu geeriyooday in yar kahor arooska inantiisa, Mahesh ayaa maalintaas buuxiyay kaalintii bannaaneyd. Taniyo markaas, wuxuu go’aansaday inuu tallaabtan ka dhigo qeyb kamid ah noloshiisa.
Tiro ku dhow 472  oo gabdho agooman ah ayuu guuriyay Mahesh. Xaflad isugu imaatin ballaaran ah oo lagu qabto dugsiga sare ee dowladda ee degmada Surat ayaa lagu qabtay. Balse sanadkii hore, waxay u ahayd mid gaar ah. Kaliya muusan guurinin gabdho 236 aabo la’aan ah, hayeeshe labadiisa wiil ayaa sidoo kale guursaday. Taas oo tirada ka dhigtay 238 aroos.
Sirta kale ee sheekadiisa ka dhigtay mid saameyn leh waxay tahay isaga oo kaddib guurinta gabdhaha aan kaga harin madashada xafladda balse in badan ka warqaba xaaladdooda.
Sidaas darteed, madareemayaan inay aabo la’aan yihiin.
Helidda ribixa shirkaddiisa ku howlan ganacsiga u badan dahabka, Mahesh wali wuxuu awood u leeyahay inuu falkan sii wado inta uu nool yahay.
Wuxuu ficilkiisa quruxda leh ku qeexaa mid Alle lagu farax-gelinayo. “Waa maalin nolosha qof dhan aad is-baddal u raadisay, waxaad u abuuraysaa rajo uusan qabin iyo riyo uusan abid ku dhadhabin,” ayuu yiri.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!