crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin – si uu u raali-geliyo Gacalisadiisa – sameeyey Fal-cajiib ah! | HimiloNetwork

Nin – si uu u raali-geliyo Gacalisadiisa – sameeyey Fal-cajiib ah!

Delhi (Himilonetwork) – Ganacsade da’yar oo raba inuu dib u hantiyo gacalisadiisa kaga maqan caro awgeed ayaa boorar ku dhow 300 oo lagu qoray iga raali noqo wuxuu ku safay waddooyinka magaalada si ay u ogaato inuu u hanqal-taagayo cafiskeeda.
Macadda waxa kala dhex maray labadooda, balse 25 jirka lagu magacaabo Nilesh Khedekar wuxuu si kal iyo laab ah u muujiyay sida uu ugu han weyn yahay inuu dib u helo uursamideeda. Toddobaad kahor, markii uu ogaaday in saaxiibtiis oo lagu magacaabo Shivde ay kasoo laabaneyso magaalada Mumbai, wuxuu durba ku fikiray sida ugu fudud oo uu ku ogeysiin karo doonistiisa la xiriirta inuu cafiyo.
Wuxuu la xiriiray qolyaha naqshadeeya boorarka, isaga oo ka dalbaday inay u naqshadeeyaan ku dhawaad 300 oo boorar ah oo lagu qoray Gacaliso Shivde iga raali noqo.
Habeenkii ay soo galeysay magaalada, wuxuu dhalinyaro dhowr ah ku amray inay boorarka ku safaan waddooyinka magaalada.
Maalintii Jimcaha subaxeeda, dadka degaanka Pimple Saudagar ayaa kusoo toosay boorarkan oo ku dhegan dhinacyada waddooyinka.
Dadka ayaa bilaabay inay sawirro kasoo qaadaan boorarka iyaga oo soo gelinaya baraha bulshada, sidoo kale waxay tani dhalisay aragtiyo u badan soo dhaweyn oo laga muujiyay tallaabadiisa.
Balse taasi mawada noqon mid kaliya laga hadal hayo guud ahaan magaalada. Waxay sidoo kale nasiib darro iyo lama filaan ku keentay ganacsadaha oo dowladda hoose ay ku gacan-seyrtay.
Booliska ayaa su’aalo weydiinaya sida boorar intaas la’eg loogu xardhi karo waddooyinka magaalada. Hayeeshe, jawaabtiisa aan is-beddelka lahayn ayaa ah inuu kaliya ku doonayay hanashada qalbiga gacalisadiisa kaga maqan carada.
Lama oga tallaabta ay dowladda hoose ka qaadi doonto 25-jirkan, balse waxaa loo badinayaa inuu mudan doono ganaax lacageed oo aan la saadaalin karin inta uu la’ekaan karo.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!