F.G. Muuqaalka kuu muuqda kama dhigan qolka iyo qofka laga hadlayo toona.
Laba-dhagax, Wardhiigleey, Muqdisho – 10-sano kahor, Maxamed wuxuu lahaa caafimaadka uu qof kasta oo inaga mid ah ku suura-galiyo wadista noloshiisa. Wuxuu hayay hayaan dheer oo uu ugu jiray inuu himilada mustqabalkiisa kaga gun-gaaro. Isaga oo loolan adag kula jiray asxaabtii la jaalka ahayd ee uu wax la dhiganayay. Hadda badigood waxay dhameeyeen heerkii jaamacadnimo iyaga oo barayaal ka ah xarumaha waxbarasho ee dalka ka jira. Halka Maxamedna uu ku huray inuu sariirta kula caweeyo hankiisa nolosha oo ahaa inuu door ka ciyaaro kobaca dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.
Waxa kaliya ee hiyigiisa ku nool waa himiladii uu ku noolaa iyo qorshe nololeed wali ka guuxaya maskaxdiisa. Sheekada Maxamed waa mid kamid ah kuwa ugu tiiraanyada badan ee laga soo tebiyo da’yar kasta oo wax ku baranaya dal, sida Soomaaliya oo kale, ay halistiisu daran tahay.
Dib-u-dhaca hakiyay hayaanka waxbarasho ee Maxamed, waxaa ka danbeysa dhacdo laxaw badan oo noloshiisa ragaadisay. Dabley ka tirsan ciidankii dowladda ee xilligii Cabdilahi Yusuf ayaa qafaal ku qabtay xilli uu ku socday jidka ku taga dugsigiisa. Jirdillo iyo dhaawacyo badan oo ay u geysteen oogadiisa ayaa ugu danbeyn sababtay inuu naafo ka noqdo xubno badan oo jirkiisa kamid ah. Si loola gaaro gargaar kasta oo lagu hakin karo inuu wada naafoobo, ayaa Maxamed waxaa loogu qaaday dalka Itoobiya. Halkaas oo uu kusoo qaatay shan sano oo tacaal iyo tabantaabo ah. Balse wax badan kumay soo kordhin daweyntaasi. Waxaase uu awooday inuu ku laabto tacliintiisa iyo inuu la halgamo xaaladda adag ee ay naftiisa ku sugan tahay.
“Hadday jirto in yar oo caafimaad ah oo aan wax ku qabsado, waa inaan ka faa’iideystaa,” ayuu yiri Maxamed oo aan guriigiisa kula booqday koox dhalinyaro asxaabtiisa ka tirsan oo Qur’aan saar iyo booqasho ugu tagay. “Xilligii iigu fiicnaa waan soo qaatay. Xilli kale oo fiicanna wuu ii dhiman yahay. Waqti adag ayaase iiga sokeeya,” ayuu sii raaciyay.
Oraahdiisa waxay horudhac ka tahay muuqaalka aqalka uu ku nool yahay Maxamed kaas oo—marka laga yimaado sariirta iyo fadhiga kooban—gebigiisa wada maktabad ah. Waxaa yaalla buugaag uu ku dhawaad 15-sano wax ku baran jiray iyo buugaag kale oo uu aqoon-kororsi ku helay kuwaas oo uu si joogto ugu howshoodo mar kasta oo uu nafis yar oo fayoobi ah iska dareemo.
“Waxaan baranayaa inaan is-barto. Wali isma wada baran. Waxaan qaadanaya inaan fahmo sida nolosha loogu xoojiyo nimca kasta oo aad Alle ka hesho. Dhib malahan siday kuugu yar tahay,” ayuu yiri Maxamed oo sariirta ku jiifa. Kasokow dhab ahaanta xaaladda adag ee uu ku jiro, Maxamed, wuxuu isula muuqdaa mid kamid ah kuwa wali aysan quus ka galin hayaaminta nolosha timaadada. Wuxuu rumeystaa inay ku filan tahay inta yar ee uu ka heysto inuu waqtigiisa kaga qaato horumarinta waxbarashadiisa.
Xanuunka asiibay Maxamed ee jirkiisa wada naafeeyey, waxaa usii dheer inuu qabo cudurro kale oo gudaha ah sida; caabuq sababa in—jirkiisu uu wada nabar noqdo kolkol iyo inuu qandho badan ku qaato mirashada habeenkiisa.
Dhaqaatiirtu waxay u sheegeen in jirkiisu uu wada dawo noqday oo ay habboon tahay inuu jid kale oo baxnaanayn ah ku raadiyo daweynta naftiisa.
“Uma baahna dawo dheeraad ah in jirkiisa lagu sii daayo. Waa in la raadsho waddo kale oo daweyn ah oo ka baxsan kiniini, sharoobo iyo wixii la halmaala,” ayay dhaqaatiirtu inoo sheegeen ayuu yiri walaalkiis ka weyn kaas oo gacanta ku haya xaaladdiisa caafimaad. “Tani hakad galin meyso inaan walaalkay la abaaro kob kasta oo uu ku bogsan karo,” ayuu ugu jawaabay Maxamed walaalkiis dhaqaatiirta.
Tiiyoo deyrada dhaqaatiirta iyo doorka walaalkiis ay is-daba yaacayaan, hadana Maxamed ma ahan mid rajo dhigay iyo nin is-dhiibay toona. Wuxuu laxawga ku tiraa aqrinta Qur’aanka iyo hal-sii-jeedinta maskaxdiisa oo ah inuu ku daaliyo wax qoris iyo qoraal.
Kol kasta oo uu bogsimaad ku arko xaaladiisa, wuxuu ku haliilaa inuusan dayacin wax-tarkeeda. Inuu wax sii barto Maxamed, oo hadda ku jira heerka jaamacadda, waxaa usii dheer inuu yahay macalin waaya’aragnimadiisii hore ku maareeyey inuu bixiyo maadooyinka seyniska ah. Waana bare wax ka dhiga dugsiyada dadka waaweyn isaga oo si gaar ah u bixiya maadada Bayoolojiga.
“Mar kasta oo aan xilli soo af-jaro, waa mar kasta oo socdaalkayga nolosha uu kusoo dhawaado xaqiijinta himiladayda,” ayuu yiri Maxamed oo intaas kusii daray inuu tabayo ilaa PhD inuu ka gaaro kulliyadda xanaanada iyo faya-dhowrka oo ah xulashadiisa. “Illaa dhibicda ugu danbeysa aan kasoo taabto, ma aqaan sabab aan ku lado.”
Tabaalaha dhumucan ee uu ku jiro Maxamed iyo fal-celintiisa togan ee ah u ban-bixisteeda, waxay tusaale nool iyo tusmo u noqonaysaa qof kasta oo lixaadkiisu faya-qabo kuna socdaali kara siduu doorto. Waxaase is-weydiin noqonaysa; sidee qof kasta oo Maxamed caafimaad ahaan ka sarreeya uu uga ashtakoodaa inuu la’yahay nimco ku filan oo uu wax-ku-qabsan waayay?!
Si kastaba, Maxamed iyo kuwa lamidka ah ee marxaladda adag kula nool gudaha dhulkooda hooyo, waxay billadaye u yihiin sida loogu maalmado dalkaaga xitaa haddii dadkaadu kugu dibindaabiyaan gudihiisa. Waxayna sii fogeynayaan aragtida sirgaxan ee tilmaamaysa in Soomaaliya dadkii lahaa ay dacdaro uga soo dareerayaan. Halka baal dahab ah oo raganimo iyo hal-adayg ah ay u furayaan dhibane kasta oo dalkiisa ku qaabili waayay inuu kula noolaado dhibaal iyo dhaawac kasta si uu dhaxalkiisa danbe u hantiyo.
Siciid Xasan Shariif, oo kamid ah asxaabta Maxamed, wuxuu qabaa in—qof kasta oo sida Maxamed nolosha hal-adeyg ku waajaha uu gunteeda ugu tagi doono wax aan kaliya wax ka badalin naftiisa balse saameyn ballaaran ku sameysa nolosha mujtamaca.
“Mar kasta oo aad aragto guulle, waxaad kaliya arkaysaa baraaraha shacbiga,” ayuu yiri. “Ma arkaysid halgankiisa dheer ee uu usoo galay xaqiijinta riyadiisa. Waana Maxamed kuwa lamidka ah oo aan rafaadkooda la arki doonin balse ay bulshadu guran doonto mirihiisa.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
You must log in to post a comment.