MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadan, malaayiin Muslimiin ah ayaa isu-taaga caawinta iyo kaalmeynta danyarta iyo dabi-jiifta – iyada oo aan loo eegeynin diintiisa, midabkiisa iyo deegaanka uu kasoo jeedo.
Mid kamid ah samafalayaashaas waa Bangiga keydka cunnada ee Philadelphia oo bishan Soonqaad doonaya inay cunnooyin bisil gaarsiiyaan in ka badan 200 oo qof inta lagu jiro bisha.
Waa qeyb kamid ah mashruuca iska eryidda gaajada ama Driving Hunger Away oo kaalmo lagu gaarsiinayo dadka ayaanka liita sida danyarta iyo dibjirta iyaga oo aan loo fiirineyn diinta ay heystaan.
“Cunnooyinkan kaliya uguma tala-galin ama uma diyaarin Muslimiinta oo kaliya,” ayuu yiri. “Xaqiidu waxay tahay qof walba oo dareemaya gaajo una baahan meel uu ku haqa-beelo, halkan way u furan tahay.”
Mid kamid ah acmaasha suubban ee Ilaahay loogu dhawaado bisha Soonqaad waa caawinta dadka baahan iyo kuwo nolol ahaan liita oo aan saddex waqti ee maalinkii heli karin wax ay cunaan.
You must log in to post a comment.