crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jidadka London oo laga dareemay bilashada bisha Soonqaad. | HimiloNetwork

Jidadka London oo laga dareemay bilashada bisha Soonqaad.

MUQDISHO (HN) — Markii koowaad waxaa gudaha caasimadda London ee UK si weyn loogu dabaal-degay bilashada bisha barakaysan ee Soonqaad, waxaana jidadka bartamaha London la suray boorar lagu xardhay ama lagu marriimay midabyada iyo astaamaha bilashada bisha.

Bisha Soonqaad oo ah midda 9aad ee bilaha Muslimka ee Hijriyadda, waxay bilaabanaysaa maanta oo Khamiis ah, maadaama lagu arkay meelo badan oo dunida kamid ah.

Farxadda iyo dabaaldegga bilasha bisha waxaa laga dareemay dunida dacalladeeda. Waxaana bulshada Muslimka ay iskugu hambalyeynayaan baraha bulshada.

Dhinaca kale, carruurta Muslimiinta London ayaa iyaguna geesta kale, sameeyey gacan-ku-sameysyo farshaxan ah oo ay kusoo dhaweynayaan bisha Soonqaad. Farxashamada qurxoon oo ay sameeyeen ayay ku dul qoreen Happy Ramadan waxayna iskula wadaageen iskuullada iyo goobaha cibaadada sida masaajidda.

Ol’olahan ayay carruurtu ku dhex sameeyeen gudaha matxafka London.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!