crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Quba oo qaadi doona 55,000 haddii la ballaariyo. | HimiloNetwork

Masjidka Quba oo qaadi doona 55,000 haddii la ballaariyo.

MADINA (HN) — Masjidka taariikhiga ah ee Quba, oo ah midkii ugu horreeyey ee loo dhiso diinta Islaamka, ayaa qaadi dooona 55,000 inay mar qura la ballaariyo, sida laga soo xigtay Dowladda hoose ee horumarinta magaalada Madina ‘MMDA’.


Maamulka ayaa sheegay in mashruuca ballaarinta Masjidka Quba uu bilaaban doono dhawaan.

Masjidka ayaa dhaca afaafka hore ee mid kamid ah waddooyinka ugu qadiimsan magaalada Madina. Xujeyda ayaa inta badan kusoo bixiya booqasho si ay laba rakco oo sunno ah ugu dhex tukadaan.

Waxaana gudihiisa ay ku galaan sawirro xusuus ah.

“Halkani waa meeshii koowaad ee Nabigu kasoo galay magaalada Madina markii lagu soo dhaweynayay,” ayuu yiri Ahmed Feth, oo xaaji Masri ah.

Hareeraha Masjidka waxaa kol hore ka bixi jiray geedaha waaweyn sida timirka iyo qudaarta qaar. Balse dhismaha xawliga ah ee ku socda hareerihiisa ayaa hadda beddelaya muuqaalkii hore.

Nabiga iyo saxaabada ayaa Masjidka ka dhisay dhinaca koofur galbeed Madina oo cabbaar saddex km ah u jira Masjidka Nabiga. Waxaana ku dhex yaal ceel uu lahaa saxaabiga Abaa Ayuub al-Ansaari.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!